Somaliland: Saxaafadda UAE Maxay ka Qortay Xafiiska Ganacsi ee Somaliland ka Furatay Dubai?

Date:

Warbaahinta dalka Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa shalay faahfaahisay faa’iidada dhaqan dhaqaale iyo xidhiidh ee xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland uu u leeyahay xafiiska Ganacsi ee ay ka furatay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka.

Siday wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA ka soo xigatay Gulf News, waxa xafiiskan ganacsi uu isku xidhi doonaa isla markaana kor u qaadayaa danaha ganacsi ee labada dal.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa intii aanu ka soo kicitimin Imaaraadka sheegay in xafiiskani muhiimad weyn ugu fadhiyo cilaaqaadka labada dawladood.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in magaalada Dubai ay tahay marinka ay soo maraan baddeecadaha ku soo jeeda Somaliland, waxa kaloo uu tilmaamay in tijaar badan oo reer Somaliland ahi ay ku sugan yihiin Imaaraadka.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu intaas ku daray in xafiiskan cusubi uu taabogelin doono iskaashiga ganacsi ee ay la yeesheen Imaaraadka.

Waxa kaloo uu madaxweynuhu iftiimiyey in wax wada qabsiga ganacsi ee labada waddan lagu qiyaasi karo inay ku baxdo adduun gaadhaya 300 illaa 400 oo Milyan oo doolar.

Siday werisay wakaallada SOLNA, Madaxweynaha Somaliland waxa uu Saxaafadda imaaraadka u xaqiijiyey in Dawladda Imaaraadka carabtu ay maalgelin doonto mashaariic badan oo uu xusay in qaarkood aanu tafaasiil ka bixinaynin.

Gulf News waxa wararka uu ka qoray booqashadii weftigii madaxweynaha Somaliland ay muujinaysaa in iskaashiga labada dawladood uu gaadhay heerkii u sareeyey.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...