Somaliland: DP World oo ku Celisay Mowqifkeedii Madax-bannaanida Somaliland, Go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya-na ku Tilmaantay Buuq

Date:

Guddoomiyaha Shirkadda  Imaaraadka carabta laga leeyahay ee  DP World,  Sultan Bin Sulayman,  ayaa shaaciyey  inay shirkadiisu   sii wadi doonto maalgashiga Somaliland sannadkan 2018ka, waxaanay qayb ka tahay 1.4 Bilyan Doolar  oo shirkadu u qorshaysay in ay caalamka ku maalgeliso.

Wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA  ayaa warkan ka soo xigatay soo Gulf News oo ka mid ah warbaahinta caanka ah ee  Dubia. Guddoomiyaha DP World, ayaa  buuq iyo hadal  ku tilmaamay  go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya ay ku cambaareeyeen heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee dhex maray dawladaha Somaliland, Itoobiya iyo Shirkadiisa ee la xidhiidhay casriyeynta dekedda Berbera.

Suldaan Axmed Bin Sulaymaan  ayaa tilmaamay  in Somaliland ay ahayd dal madax-bannaan 28kii sannadood ee la soo dhaafay, isla markaana ay heshiisyo la gashay dalal iyo shirkado badan oo caalamka ka mid ah.

Guddoomiyaha DP World  oo wax la weydiiyey  codbixintii Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuu yidhi  “Runtii taasi nama khusayso, sababta oo ah Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu samayn karaa qaylo iyo hadal ay soo saaraan, laakiin xaqiiqda runta ah  Berbera [Somaliland] waxay heshiisyo kula jirtaa dalal badan oo dunida ah iyo shirkado badan taasina waxay waafaqsan yihiin sharcigooda.

Qorshaha shirkadda DP World ku dhawaaqday ayaa ku soo beegmay iyadoo dalka isu tagga Imaaraadka carabta uu ku sugan yahay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayaa oo halkaas u jooga inay  maamuleyaasha UAE ay kala hadlaan sii xoojinta iskaashiga labada dal ee saaxiibka ah.

Wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...