Waxa qoray Muniir Axmed Cigaal :
“Sheekh Isaxaaqa Maan Diidine Xaaqda ayaan Diiday”.
Somaliland Marbaynu Xorriyadeeni Caadifad Xamar Ugu Tuurne Malaga Yaaba Inaynu Dekediini Caadifad God Ugu Ridno. ??
Somaliland inay caalamka iska iibiso oo la macaamisho waliba maanta jaaniska jira ee Geeska Afrika iyo muranka Biyaha Niilka ee Sudan 🇸🇩Ethiopia 🇪🇹 iyo Egypt 🇪🇬 iyo badd raadiska South Sudan 🇸🇸 iyo mandaqada ka faa’idaysato muwaadinka ugu horeeya ee tageersan ayaan ahay. In Somaliland gardarada Soomaaliya iyo Xukuumadda Farmaajo beenayso oo runi run tagto cidda Berbera xukunta inay Somaliland Tahay qofka ugu adag ee taabacsan ayaan ahay.
Lakiin walaalayalow heshiiska DP World markii danbena gadaal ay ka soo gashay Ethiopia sida lagu abqaalay amma lagu curiyay madmadaw badan iyo xaqul qalin uu ilaa Madaxweynaheena Muuse Biixi Cabdi qaatay markuu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE aha ayuu heshiiskaasi ku bilaabmay. Markii Golaha Wakiiladu ansixinayeen hordhaca heshiiska wax lagu sheegay Xildhibaan kasta 15000$ (Shan iyo Toban Kun Oo Dollar 💵) ayuu qaatay, illahay ayaan idinku dhaarshe haduu xalaal aha maxay DP World laaluushka intaas leeg ugu bixisay heshiiska, ilaa kii Guurtida isna calaa Xildhibaan intaas Wakiilada oo kale ayaa la siiyay.
Qalooci uu ku unkamay ayaa ilaa hadda ku jira, labada nin ee heshiiska aabihi kudayna waa Wasiirka arrimaha debadda Sacad Cali Shire iyo Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Baashe Cawil . Labada masuul haddii heshiiska DP World inuu xalaal noqdo la doonaayo faraha hakala baxaan, Wasiiro kale oo lagu kalsoon yahay ha loo xil saaro.
Waxaad ogtihiin Jamhuuriyadda Jabuuti waa Waddan aqoonsi haysata oo UN-ta fadhiya kursi ku leh, misana awooda Sherkada DP World iyo baaxadeeda iyadoo Jabuuti Saamiga badan lahayd Dekeda Dooraale hadana awoodi maamul oo dhan way ka fara maroojiyeen, taasba isku dhaca keentay, waxay DP World Jabuuti ku yidhaahdeen Deked kale ma dhisan kartaan. Innagu maanta aqoonsi caalamiya ma haysano, lacag Abukatayaal aynu ku qabsano haddii lays qabto maxkamadaha adduunka ma hayno, durba shakiga soo baxay waad aragtaan oo ilaa hadda meel ay jaan iyo cidhib dhigtay ma hayno Sherkadii laynagu yidhi Somaliland iyo DP World ayaa wada yeelanaaya oo iyadaa Dekeda Berbera maamulaysa ilaa hadda oo shaqadii 2-sannno socoto ma jirto Sherkadii lamana abuurin hawshiina DP World ayaa iska wadata. Dekedii cusbayd lama dhisin, waxeeni ayaa 6-iyo 2- laysugu keen celiyay. Waar Soomaaliya waxba innaga qaadimayso haddii aynu innagu ummad ahaan wada socono. Heshiiska si xalaal ah halooga bogto aynu ka dayno dhoobo eriga iyo Caadifada, aynu ka dayno ciiro isku qarinta iyo baadhis la’aanta humaaga ku dahaadhan. Waxani waa masiirkii ummadda wax Sacad iyo Baashe isku soo qoraan maha 30-sanno ayaa laga hadlayaa waliba Madaxweyane adiga ayay masuuliyada Ummaddu ku saarantahay, shacabka masakiinta ah Illahay ayaan kugu dhaarshe calooshooda ceedhin haw qarin Madaxweyne Muusow !!!
Tusan
Muniir Axmed Cigaal