Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigii ugu ballaadhnaa ayaa lagu wadaa in todobaadkan ay booqasho rasmi ah ay ku tagaan magaalada Doxa ee dalka Qatar
Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in wafdiga Madaxweynaha ay ku jiraan illaa lix Wasiir iyo Ganacsato, kuwaasoo heshiisyo iskaashi la soo saxiixan doona Wasiirada dhiggooda ee Qatar.
Wararka ayaa sheegaya in booqashadan ay tahay mid rasmi ah, waana booqashadii labaad oo Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Qatar, kaddib markii uu sanadkii hore uu booqday.
Socdaalka Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ku beegan maalinta Salaasada ee soo socota, sida ay Jowhar.com u xaqiijiyeen ilo kala duwan oo ku dhow dhow Madaxtooyada.
Dowladda Qatar ayaa dhowaan la saxiixatay dowladda Soomaaliya mashaariic horumarineed oo ku baxaya illaa labo boqol oo malyuun, kaasoo ka mid ah dhismaha wadada isku xidhta Muqdisho-Jowhar iyo Muqdisho-Afgooye.
Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee dalka Qatar ayaa ku soo beegmaya, iyadoo uu sii xumaanayo xidhiidhka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo horay xidhiidhka ugu jaray dalka Qatar.
Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in siyaasadeeda arrimaha dibadda ay u janjeerisay dhinaca dalka Qatar, waxaana marka loo eego isu soo dhowaanshaha Madaxtooyada Soomaaliya iyo Qatar ay meesha ka saari kartaa mowqifkii dhex dhexaadnimada ee horay uga qaatay khilaafkii Khaliijka.