Somaliland: Muxu Daarna Kulankii Saleebaan Gaal Iyo Madaxweyne Muuse Biixi

Date:

WAR-SAXAAFADEED: 07/03/2018

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley shir-guddoonka golaha guurtida Somaliland.

Kulankaas oo ahaa xog-warran ay shir gudoonku madaxweynaha ka siiyeen xaaladda guud ee dalka ka jirta, hadday tahay nabadgelyada, dhex-dhexaadinta beelaha oo ay door muhiima ka qaataan goluhu, iyo u diyaar-garowga doorashooyinka wakiillada iyo golayaasha deegaamada ee sannadka 2019-ka dalka la filayo inay ka qabsoonto.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhinaciisa waxa uu golaha guurtida ku ammaanay dedaallada ay ka sameeyeen arrimaha dhex-dhexaadinta iyo isu soo dhaweynta beelaha ay dirirtu ku dhexmarto deegaanada qaar, iyo dedaalka ay ugu jiraan in shacbiga Somaliland ku dhaqani ay noqdaan kuwo nabadgelyo iyo walaalnimo waarta ku naallooda marwalba.

Guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo ku-xigeennada koowaad iyo labaad ee golahaas, Mudane Siciid Jaamac Cali iyo gudoomiye ku xigeenka labaad ee guurtida Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Sheekh Madar.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...