Somaliland: Xog Culus: Xukuumadda Oo Dhawaan Shaacinaysa Furaha Cusub Ee Telefanada Dibada Ee Ay Somaliland Yeelanayso Iyo Qaar Ka Mid Shirkadaha Isgaadhsiinta Oo Dagaal Kaga Hortagaya + Nuxurka Kulankii Cirro Iyo Faysal Ee Shalay

Date:

Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka rogay in dhawaan ay Xukuumadda Somaliland shaacinayso Fure Cusub oo isgaadhsiinta ah oo khadka Telefanka dibada lagu soo gali doono Somaliland,iyadoo gabi ahaanba sidii ay hore u balan qaaday Xukuumadda Muuse Biixi ay Somaliland ka guurayso Furihii hore ee ay Soomaaliya la wadaagi jirtay, ee (Country Code+252)arintaasi oo ay aad uga soo horjeedaan Qaar ka mid ah Shirkadaha Isgaadhsiinta Telefoonada iyo internerka ee Somaliland oo u arka in lagu xagal daacinayo.
Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka rogay in Xukuumadda Somaliland ee uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay dhamaystirtay qorshihii uu Wasiirka Wasaaradda Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Somaliland Cabdi-Wali Sheekh Cabdilaahi Jibriil uu Golaha Baarlamaanka ka hor sheegay in talaabooyinka ugu horeeya ee ay Wasaaradiisu ku talaabsanaysaa ay noqon doonto in Somaliland ay hesho furo cusub oo isgaadhsiinta ah ama Telefanada dibada laga soo horaysiin doono,islamarkaana ay Somaliland ka guuri doonto furahan ay hadda la wadaagto Dalka Soomaaliya (Country Code +252),isagoo sidoo kalena sheegay in talaabadaasi ay ka mid noqon doonto wax qabadka bilaha ugu horeeya ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi soo bandhigi doonto.
Wararkan ayaa intaasi ku daraya in Xukuumadda Muuse Biixi Qorshaysay inay marka hore si tijaabo ah usii isticmaasho oo ay furaha Somaliland u rarto furaha Dalka Jabuuti (Country Code +253), oo ay la isticmaasho dalka Jabouti si ku meel gaadh ah,mudo yar dabadeedna ay uga sii guurto fure kale oo Cusub oo dalka Somaliland si gaar ah u yeelan doono,Waxaana sida sheegaya uu qorshahaasi ka soo dhamaystirmay dhinac walba balse waxa si weyn looga fiirsanayaan in la shaaciyo,iyadoo aanay illaa hadda jirin Caqabado la taaban karo oo hakad galin kara talaabadaasi cusub ee aanay ku dhicin islamarkaana aanay ku fikirin Xukuumaddihii hore ee Somaliland soo maray. Waxaa si weyn arintan dhegta ugu taagaya oo ka dhursugaya Shacabka Somaliland oo aad ugu heelan inay maruun arkaan talaabooyin muujinaya inay Somaliland ka ambabaxday,kana Xamaan urursatay Dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray.
Dhinaca Kale waxa si weyn arintan uga biyo diidsan oo dagaal kaaga hortagaya qaar ka mid ah Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland iyagoo qaarkood u arka inay qorshayaashani yihiin kuwo lagu xagal daacinayo ganacsigooda,islamarkaana ganacsato kale kor loogu soo qaadayo oo loogu danaynayo,waxaanay Shirkadahani Durba bilaabeen inay mideeyaan Axsaabta Muraaridka si ay dagaalkooda ugu xoojistaan,waxaanay arintani soo shaac baxday kadib shalay markii ay kulan khaas ah oo ay arintaasi kaga tashanayaan ay Huteel Ambassador ku yeesheen Gudoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland ee WADDANI iyo UCID, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Iyo Faysal Cali Waraabe,oo markii uu kulankoodu u soo idlaaday warbaahinta la hadlay balse aan u sheegin xaqiiqada kulankooda. Eng Faysal Cali Waraabe ayaa hore weerar afka ah ku qaaday dalka aynu jaarka nahay ee Jabouti waxaanu weerarkaasi sida la sheegay hor dhac u ahaa talaabooyinka ay dabada ka wadaan qaarka ka mid ah shirkadaha isgaadhsiinta,kaasi oo ay kaga hortagayaan furaha Cusub ee ay Xukuumadda Muuse Biixi soo wado iyo isdhex galka iyo saaxiibtinimada dhaw ee ay Xukuumaddiisu la samaysatay Dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti oo la hadal hayaba in si ku meel gaadh ah marka hore Somaliland ugu guurayso Furaha Dalka Jabuuti ee Khadka Dibadda.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...