Warqad qoraal ah oo Anshax marin iyo ganaax isugu jirta oo shalay ka soo baxday Xafiiska Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland ayaa shaqadii lagaga joojiyey 24 Wariye oo ka tirsan wariyayaasha wasaaradda Warfaafinta oo ahaa kuwii dhawaan shirka jaraa’id ee cabashada ah ku qabtay Magaalada Hargeysa.
Qoraalkan Ganaaxa iyo anshax marinta ah oo wasiirku si toos ah ugu socodsiiyey Magacyada 24-kan wariye ayaa lagu sheegay in dhammaanba shaqada Wasaaradda laga joojiyey muddo 3 bilood ah sidoo kalena aanay mudadaasi qaadan doonin wax mushahar ah isaga oo Wasiirku wariyayaasha ku eedeeyey in ay hannaan koox ah isu abaabuleen sidoo kalena ay sameeyeen amar diido dhinaca shaqada ah kadibna ay tallaabadan ka qaadayaan.
Qoraalka Wasiirka ee Anshax Marinta ahaa ayaa lagu sheegay in dhammaanba 24-kaasi wariye shaqada laga hakiyey sidoo kalena Anshax marin loo sameeyey iyada oo loo eegay sida wasiirku sheegay xeerarka u yaalla shaqaalaha dawladda Somaliland.
Dhinaca kale Ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa walaac ka muujiyey go’aankan adage e Wasaaradda Warfaafintu ka qaadatay wariyayaashii dhawaan cabashada muujiyey isaga oo Ururka SOLJA Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta ugu baaqay in ay xal kale u raadiyaan soo afjaridda khilaafkaasi balse aanay xal ahayn go’aankii shalay ka soo baxay wasaaradda ee Anshax marinta ahaa. War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA Md. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo nuqul ka mid ahi wargeyska Foore soo gaadhay ayaa waxa uu u dhignaa sidan: “
War-saxaafadeed:
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, isagoo Ixtiraamaya shuruucda kala duwan ee Dalka ee ay ku aasaasan yihiin hay’addaha kala duwan ee Qaranku, waxa uu isagoo eegaya masuuliyadda ka saaran Difaaca iyo Horumarinta Saxaafadda ugu baaqayaa Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta inay dibu-eegis ku samayso go’aanka Shaqo ka joojinta iyo Anshax marinta ah ee ay ku riday 24-ka mid ah shaqaala weynaha kala duwan ee waaxyaha wasaaradda Warfaafinta.
Ururka SOLJA, waxa uu u arkaa khilaafyadda kala duwan ee ka taagan wasaaradda Warfaafinta iyo Shaqaalaha inay haboonayd siyaabo kale in lagu xaliyo, hase yeeshee go’aanka imika la qaaday ee ah Shaqo ka Joojin iyo Mushaharka oo laga jaro wuxuu culays ku yahay shaqaalaha iyo Qoysaskoodaba oo qaata Mushahar aan ku filnayn. Ururka SOLJA, waxa uu in badan Isha ku hayey khilaafyaddii kala duwanaa ee sidan oo kale u dhex maray masuuliyiintii kala danbeeyey ee wasaaradda soo maray iyo wariyayaasha ka hawlgala, waxaanay dhamaantood ahaayeen kuwo ka dhashay nidaamyaddii ay ku maamulayeen xukuumaddihii kala danbeeyey oo mar walba keenayey Muran. Laga soo bilaabo Xukuumaddii UDUB ee Yagleeshay Telefishanka Qaranka Somaliland, waxa isa soo tarayey in kolba xukuumadda talada qabataa keenaysay Awaamiir ay nidaamka Maamul ee wasaaradda wax kaga bedelaysay, iyadoo Maamulka marna la hoos geynayey Madaxtooyadda, mar kale wasaaradda marar badana la Madax banaanaynayey, kuwaas oo khilaafka mar walba Horseedayey.
Cabashada Wariyayaasha iyo go’aanka ay wasaaradda Warfaafintu ka qaadatay waa kuwo aan horseedayn xal waara. sidaas daraadeed; Ururka SOLJA, isagoo Ixtiraamaya karaamada Shaqada Qaranka in la ilaaliyo isla markaana la sugo xuquuqda Suxufiyiinta kala duwan ee u shaqeeya warbaahinta Dawladda iyo ta gaarka loo leeyahayba, waxa uu ku talinayaa inay Wasaaraddu dib u eegto go’aankeeda, oo ay u marto waddo kale oo xal u noqon kara khilaafka ka jira wasaaradda”.
Somaliland: Khilaafkii Wasaaradda Warfaafinta Oo Cirka Isku Shareeray, Wasiirka Oo 3-Bilood Oo Shaqo Joojin Iyo Mushahar La’aan Ahna Isugu Daray 24 Wariye
Date: