Somaliland: Faysal Cali Waraabe Oo Jabuuti Ku Tilmaamay Inay Yihiin Xaasidiin Ka Xun Horumarka Somaliland.

Date:

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay qodobada ay soo bandhigtay dawlada Jabuuti ee ay sheegtay inay kaga baxday heshiiskii ay kula jirtay shirkada DP World.

Gudoomiye Faysal ayaa nasiib daro ku tilmaamay in dawlada Jabuuti ay ka xumaato heshiisyada shirkada DP World ay ku horu marinayso dekedaha Boosaaso iyo Berbera.
Ugu horayn gudoomiye Faysal ayaa hadlakiisa ku bilaabay ““Waan ka naxay ninkaas ka hadlayey jabuuti inuu yidhaahdo horu marka Boosaaso iyo Berbera ayaa horumarkayagii wax yeelaya oo aanu DP World kala wareegnay dekedii Dooraale naxdin ayaan ka qaaday, wadan kastaaba xaq ayuu u leeyahay inuu horumar
gaadho laakiin in la yidhaa wadankaas horu markiisu kaayaga ayuu wax yeelayaa waa wax aan aduunka lagu arag, wadan aanu jaar nahay oo walaalo nahay oo waliba madaxweynahooda u heesno oo amaano inay hadana waxaasi ka soo yeedhaan waa guul daro weyn” ayuu yidhi gudoomiye Faysal oo u waramay HCTv.
Gudoomiye Faysal oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Wax kale maahee inaga ayaa laynaga arkay, waxaanay shacabka somaliland ku noqonaysaa anfariir, wadankan imaaraadkana heshiiskaa saldhiga iyo kan DP World cadaawad badan ayuu u sameeyey, hadaad xamar tagto caruurta yaryar ayaa lagu diray imaaraadka oo la leeyahay imaaraadka ayaa ina khiyaameeyey oo ina inqilaabaya, waxaas oo dhana waxa loogu sheeganayaa maxaad somaliland ula macaamishay, qofkii ku salaama ayaa xataa lala coloobayaa, xasadka ay somaaliya ku hayso somaliland, arintaasna aad ayaan uga xunahay,”
Sidoo kale gudoomiye Faysal ayaa sheegay in heshiiska u dhaxeeya somaliland iyo Dp World uu faa,iido badan leeyahay, isaga oo soo bandhigay waxyaabaha ay ka faa,iiday dawlada jabuuti “Waxaan leenahay bulshada heshiiskaas DP World iyo kan saldhigu waa danteena waana halka aynu aduunka ka galayno, markii ay DP World ay tagtay jabuuti wadankaasi mushahar muu haysan maantana waa halka loogu jecel yahay ee la maal gashado geeska Afrika, waxaana keentay taas oo jiiday maal gashiga ee DP World taas oo dhistay lix dekedood, waxaanay ka dhigtay albaabka weyn ee laga galo Afrika inaguna waynu ka dhigan karnaa waanay is camirayaan labada dawladood.”
Gudoomiye Faysal ayaa ka hadlay waxyaabaha keenay inay jabuuti ka cadhooto heshiiska ay shirkada DP World ku horu marinayso dekeda Berbera “Waxa laga yaabaa inay jabuuti ka cadhaysan tahay inay is tidhaahdo shiidaalka laga keenayo Ogaaden ee gaasta oo inaga inoo dhaw inay is leedahay haday taasi go’do idinka ayaa laydin keeni doonaa gaasta.”
Sidoo kale Gudoomiye Faysal ayaa sheegay in dawlada Jabuuti ay dekedo u samaysatay xoolaha somaliland waxaanu yidhi “Jabuuti iyada oo aan xoolo lahayn ayey hadana samaysay deked xoolo oo lawya-cado waxaanay u samaysay xoolaheena, maalintii uu yidhi madaxweynuhu xoolaha Geeska Afrika ayaa dekedaas ka baxaya maalintii ku xigtay ayaa xoolihii laynaga xidhay,imikana waata geeleenii la gaynayo oo inagu kamaynu hadal hadana waataas la arkayo in geelii jabuuti tagayaan oo aynaan odhan dhaqaalaheenii ayaad hoos u dhigaysaan, iyaguna inay waxaas ku hadlaan inaga oo arkayna in dekedeenii caanka ahayd ee Berberaawi ee aduunka oo dhan yaqaanay ilaa qarnigii 17aad in maantana xoolaheenii ay jabuuti tagayaan oo qaar dhexda ku sii dhimanayaan waa siyaasad waana dawlad jileeceena.”
Ugu dambayn gudoomiye Faysal ayaa dhaliil dusha u saaray shacabka Somaliland waxaanu yidhi “Mar hadii aynu inagu isku jeesano oo aynu nahay dawladaas yar ee shaqaalihiisuba yaryahay oo afartii nin ee la magacaaba qabiilkooda loo abtirinayo oo dadkuna dawladnimadii u qaateen shaqaale la qorayo oo dawladi qorayso oo horu mar, biyo, dugsiyo iyo wadooyin cid hadal haysaba aanad arkayn waxaan filayaa inaynaan wadankiiba wadi karayn.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...