Bulshada Somaliland ayaa wali isha ku haysa qaabka uu Madaxweyne Muuse Biixi u xulanayo Golihiisa Xukuumadda oo aan illaa hadda dhamaystirmin iyo sida uu iskugu dheeli tirayo ee uu magacaabistiisa ugu saleeynayo Saamiga Deegaamada ama beelaha ee loo degan yahay oo ay Beelaha Somaliland kuraasta Xukuumadda ku qaybsadaan,waxaa si gaar ah isha loogu hayaa sida uu ugu cadaalada sameeyo Isbahaysiyadii siyaasadeed ee ka samaysmay Doorashadii madaxtooyadda ee dalka ka qabsoontay 2017-kii.
Isbahaysiyadaasi oo ay samaysteen qaar ka mid ah beelaha Somaliland islamarkaana ay iska gaashaan buuraysteen sidii ay isku muquunin lahaayeen tirada Codayntii Doorashada Madaxtooyadda, kuwaasi oo ay ugu waynaayeen Beelihii samaystay JEEGAANTA IYO QAANSADA,oo saamayn wayn ku lahaa doorashadii madaxtooyadda ee dalka ka dhacday sanadkii aynu ka soo gudubnay ee 2017-kii. Waxay si weyn isha loogu hayaa sida uu beelaha Somaliland ugu qaybiyo magacaabista uu wali wado. Waxa uu wargeysa Foore halkan idiinku so gudbinayaa Magacyada iyo deegaamada ay ka soo jeegaan liiskii udambeeyay ee ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi ee uu magacaabay iyo deegamada ay ka soo jeedaan iyadoo ay meesha ka maqan tahay Saamigii Dumarka ee laga filayay doorkan.
Akhri Magacyada,Halka Loo Magacaabay Iyo Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
1. Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Maxamed Kaahin Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka (Samaroon).
2. Mustafe Faarax Cali Aadan – Maareeye Ku-Xigeenka Hay’adda Waddooyinka-(Habar-Jeclo).
3. Muuse Xasan Xaaji Yuusuf Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada (Habar Jeclo).
4. Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Gaydh) Guddoomiye Ku-Xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada (Habar Awal -Sacad Muuse)
5. Maxamed Cali Bille Guuleed Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada(Sacad Muuse,Habar Awal).
6. Axmed Xasan Cigaal Sahal Safiirka Somaliland U Fadhiya Itoobiya (Habar Yoonis).
7. Maxamed Warsame Ducaale Ergayga Gaarka Ah Ee U Qaabilsan Somaliland Qaramada Midoobay (Arab).
8. Maxamed Cabdikariin Cumar Ismaaciil (Maarshaal) Safiir Ku-Xigeenka Somaliland U Fadhiya Itoobiya. (Habar Awal- Sacad Muuse)
9. Ayaanle Salaad Diiriye Safiir Ku-Xigeenka Somaliland U Fadhiya Dalka Kiiniya (Habar Jeclo).
Somaliland: Bulshada Somaliland Oo Isha Ku Haysa Hannaanka Magacaabiseed Ee Uu Madaxweyne Muuse Biixi Ku Xulanayo Xukuumaddiisa Iyo Sida Uu Ugu Qaybinayo Deegaamada S/land
Date: