La-taliyaha Arrimaha dibedda ee Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Marwo Faadumo Siciid Ibraahim, ayaa sheegtay in Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar uu Magaalada Muqdisho kula kulmay Raysal-wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.
Marwo Faadumo Siciid oo soo xiganaysa waxa ay ku sheegtay ‘ilo xog-ogaal ah’ ayaa sheegtay in Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo hadda ka mid ah Xisbiga KULMIYE uu ku kacay Khiyaamo Qaran, maaddaama bay tidhi uu la kulmay Raysal-wasaaraha Dalka Soomaaliya, arrintaasna aan loo dul-qaadan karin.
La-taliyaha Arrimaha dibedda ee Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo Shalay Saxaafadda kula hadashay Xafiiskeeda Magaalada Hargeysa, ayaa ugu horreyn ka hadashay Hay’ad Caalami ah oo uu xilligan u shaqeeyo Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxay tidhi “Qofku ha u shaqeeyo Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha Caalamiga ah waa ikhtiyaar uu isagu leeyahay, laakiin marka aad ka tirsan tahay Xisbi, weliba Xisbul-xaakim oo aad Golihiisa fulinta iyo Golaha dhexe ka mid tahay, inaad gasho arrimo isku lid ah oo Somaliland iyo Soomaaliya ah lama ogola.”
Faadumo Siciid waxa kale oo ay sheegtay “Anigu markaan ahay Qof Xisbi u shaqaynaya oo Golaha dhexe ku jira lama hadli karayo Dawladda Federaalka Soomaaliya, markaa Annagu khiyaamo Qaran ayaanu u aragnaa.”ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay “Markii aynu ku jirnay Ololihii Doorashada, Maxamed Cabdillaahi Cumar wuu yimid Dalka oo Madaarka Cigaal ee Hargeysa ayaa lagu soo dhaweeyay, waxaana soo dhaweeyay xisbiga KULMIYE, wakhtigaa wuu ka tirsanaa hay’adda uu imikaba ka shaqeeyo. Arabsiyo iyo Gabiley ayaa lagu soo dhaweeyay oo uu ka hadlay isagoo KULMIYE ka mid ah Afkiisana ku hadlaya kana mid ah saraakiishiisii, sidaas oo kale xilligaa wuu ka mid ahaa Hay’adda la yidhaahdo ‘Centre for Humanitarian Dialogue’ waa Hay’ad Caalami ah oo uu ka shaqaynayey, inoo ka shaqeeyo looma diiddana, laakiin Annaga waxa aad nooga yaabisay in Isagoo Sarkaal Xisbiga KULMIYE ah uu tago Xamar oo uu la soo kulmo Raysal-wasaaraha Xamar (Soomaaliya) mana aha wax la ogolaan karayo.”
Marwo Faadumo Siciid oo la waydiiyey waxay ku caddaynayso in Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar uu la kulmay Raysal-wasaaraha Soomaaliya iyo hadduu la kulmay waxay ka og-tahay ujeeddada kulanka, ayaa ku jawaabtay “Waxa ilo xog-ogaal ah oo badan nagu soo war-geliyeen in sababta uu Maxamed Cabdillaahi Cumar ula kulmay Raysal-wasaaraha Soomaaliya ay tahay inuu u sii gogol-xaadhayo in Hay’addaasi (uu ka shaqeeyo) ay dillaal ka noqoto Wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.”ayay tidhi.
Ugu dambayn, Maalmihii u dambeeyay ayaa waxa Baraha Bulshadu ku kulanto ee Internet-ka lagu baahiyey Sawir ay ku wada jiraan Raysal-wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.