Dawlada Ingiriiska ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay xukuumada madaxweyne Biixi ka taageerto dhinacyo badan oo mihiim ah , iyada oo xustay inay horeba gacan weyn uga gaysatay doorashooyinkii Somaliland ka qabsoomey ee kala duwanaa .
Xildhibaan Lord Luce o ka tirsan baarlamaanka Ingiriisa ayaa xukuumada Ingiriiska weydiiyay siyaasada xukuumada Ingiriiska ee ku waajahan xukuumada cusub ee Somaliland iyo waxyaabaha ay UK doonayso inay ka taageerto Somaliland ee u qorsheysan
Wasiirul dawlaha arimaha dibada ee dalalka barwaaqo sooranka Ingiriiska Ahmad Of Wimbledon ayaa ka jawaabay su,aashaas xildhibaanka , waxaanu sheegay in ingiriisku diyaar u yahay inuu madaxweynaha cusub ee Somaliland ka taageero hirgelinta barnaamijkiisa horumarineed waxaana uu yidhi
“UK waxaa ay ku bogaadisay madaxweynaha dhawaan loo doortay Somaliland guushiisa . door mihiim ah ayaanu ka qaadanay taageerista doorahooyinka oo ay ku jiraan lix goob jooge oo aanu geynay oo dooraashadii kormeeray.
Ingiriisku waxaa uu kala shaqeynayaa dawlada cusub ee Somaliland inuu ka taageero sidii ay u gaadhi laheyd qorshaheeda horumarineed iyo dib u habeyno kale oo mihiim ah. Waxaanu siinaynaa Kaalmo bini-aadanimo ,waxaana aanu taageereynaa horumarinta dhaqaalaha iyo kor u qaadista dawlad wanaaga iyo heli taanka adeeg cadaaladeed oo wanaagsan ” ayuu yidhi