Hogaamiyaha mucaaradka Zimbabwe oo geeriyooday

Date:

Hogaamiyaha xisbiga ugu weyn mucaaradka waddanka Zimbabwe, Morgan Tsvangirai, ayaa ku geeriyooday waddanka Koonfur Afrika, sarkaal sare oo ka tirsan xisbigiisa MDC ayaa sidaasi sheegay.

Mr Tsvangirai oo 65 sanno ku geeriyooday ayaa waxa uu horay Ra’iisul Wasaare uga soo noqday waddanka Zimbabwe, waxaana lagu soo warramayaa inuu la xanuunsanayay Kansarka mindhiciraha ku dhaca.

“Caawa fiidkii ayuu dhintay. Qoyska ayaa sidaasi ii sheegay,” waxaa sidaasi wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay gudoomiye ku xigeenka xisbiga MDC Elias Mudzuri.

Mr Tsvangirai ayaa xirfaddiisa waxaa lagu xasuustaa inuu ku soo qaatay halgan dheer oo siyaasadeed oo uu kaga soo horjeeday Madaxweyne Robert Mugabe.

Dhowr jeer ayaa la garaacay xabsigana la dhigay.

Geerida Mr Tsvangirai ayaa waxaa ku dhawaaqay Mr Mudzuri kaas oo barta Twitterka soo dhigay in xisbiga MDC “uu waayay halyey iyo nin u soo dagaallamay dimuqraadiyadda.”

Mr Tsvangirai ayaa 2000 waxa uu aasaasay xisbiga MDC, isagoo si joogta ah ula loolamay Mr Mugabe intii uu hayay xilka madaxweynaha ee waddankaasi.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...