Maxkamadda Degmada Hargeysa, ayaa Xukun ku ridday Saddex Nin oo lagu qabtay iyagoo Gaadhi ku sita Xayawaanka Diinka, kaasi oo ay doonayeen inay ka Ganacsadaan oo ay iibiyaan.
Ciidammada Booliiska ee Somaliland, ayaa dabayaaqada Bishii hore Degmada Cadaadlay ee Gobolka Maroodi-jeex ku qabtay Gaadhi Tukhaan ah Shan Nin ku siteen Diin ay doonayeen inay iibiyaan, balse Maxkamadda ayaa la hor-geeyay Saddex ka mid ah shantaa Nin, ka dib markii laba ka mid ahi baxsadeen.
Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Cabdirashiid Beergeel oo ka hadlaya dambiga ay galeen Shanta Nin ee labada ka midka ahi baxsadeen ayaa yidhi “Dacwaddan waxa eedaysanayaal ka ah Cabdicasiis Xaamud Maxamuud, Sidiiq Cismaan Cali, Cismaan Cumar Yuusuf, Cabdirisaaq Faarax Ciise oo maqane ah iyo Cabdicasiis Mooge Diiriye oo maqane ah. Eedaysaneyaashan waxa lagu eedaynayaa inay ku gafeen Xeerka Daryeelka Duur-joogta iyo deegaanka.”
Guddoomiyaha Maxkamaddu waxa kale oo uu sheegay “Waxa lagu soo eedeeyay inay si wada jir ah ugu gafeen Taariikhdu markay ahayd 31/01/2018, 7-dii habeennimo lagu soo qabtay iyagoo Diin ku sita Gaadhi Tukhaan ah, sidaana ugu gafeen Xeerka Deegaanka iyo Duur-joogta ee Xeer Lr69/2015. Maxkamaddu markay ay dhegaysatay eedaysaneyaasha waxay si wada jir ah u bixiyeen qiraal waafaqsan Xeerka Habka Ciqaabta, iyagoo si wada jir ah u Dambigaa waanu qabnaa Diinkana waa la nagu soo qabtay, waxaanu ahayn Shan Eedaysane oo laba ay baxsadeen.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxa lagu xukumay midkiiba 3 Sannadood oo Xadhig ah oo aan iib lahayn iyo min Saddex Milyan oo Ganaax ah, Xadhiggu wuxuu uga bilaabmayaa.”
sidoo kale, waxa xukun lagu riday Gaadhigii lagu siday Tukhaanka “Gaadhigii Tukhaanka ahaa ee Diinka lagu siday waxa lagu xukumay Saddex Milyan oo Ganaax ah, haddii mar dambe lagu qabto falkan oo kale Maxkamaddu waxay u xukuntay inuu la wareego Qaranku..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Wasaaradda Deegaanka waxa lagu amrayaa inay la wareegto daryeelka Diinka, iyadoo Sharciguna uu xorriyaddiisa u celiyey laga bilaabo Maanta (Shalay)..”