Muuse Biixi Oo Kooto Ugu Xidhay Wasaarada Warfaafinta Beesha U Ka Soo Jeedo Telefishanka Qaranka, Idaacada Iyo Wargeyada Dawlada Cajiib
Dawlada Somaliland waxaa ay leedahay isla markaana ay maamuusha warbaahin afkeeda ku hadasha isla markaana isku jirta Wasaarada , Telefishan , Idaacada Iyo Wargeys .
Dhamaan warbaahintaasi kala duwan waxaa ka shaqeeya shaqaale badan taas oo warbaahin waliba ay leedahay masuulyiin sar sare ee maamusha .
Hadaba bulshada Somaliland ayaa waxaa ay maalmihii ugu danbeeyey ay falaqeynsay isla markaana ay cadaalad daro iyo sad barsi ku sifeeyeen dhamaan masuulyiinta ugu sareeya warbaahinahaas dawlada oo noqdey mid ay maamulaan Masuulyiin ka soo jeeda Beesha madaxweyne Muuse waxaana ay masuulyiintu kala yahiin
1. Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo – Sacad Muuse
2. Mareeyaha Telefishanka Qaranka Khadar Cakule – Sacad – Muuse
3. Maareeyaha Wargeyska Dawan Maxamed Cismaan Mire (Sayyid ) – Sacad Muuse
4. Maamulaha Idaacada Radio Hargeysa Maxamed Siciid Muxumad – Sacad Muuse
Arintan ayaa waxaa ay tusaale u noqon kartaa sad bursi inta badan bulshada Somaliland ku eedeyaan in madaxweyne Muuse Biixi ay beeshiisu kaga badan tahay beelaha kale dhinaca mansab-yada siyaada .
Sidoo kale arintan ayaa waxaa ay u muuqan kartaa inmadaxweyne Muuse Biixi uu Agaaga laga difaacayo xukuumadiisa ay u joogan masuulyiin ay isku beel yahiin .