Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay inay ku guda jiraan hawsha u diyaargarowga doorashooyinka isku lammaan ee Gollayaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo u muddeysan inay dalka ka qabsoomaan bisha saddexaad ee sanadka 2019.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa arrintan sheegay kadib markii ay shalay la kulmeen Guddiga joogtada ah ee golaha Wakiillada.
Guddoomiyaha Komishanka ayaa ugu horreyn ka warramay ujeedada kulankani, waxaanu yidhi “Sida caadada ah waa shirarkii is xogwareysiga ahaa oo Baarlamaanku waa hay’adii sharci dejinta oo waa caadi inay u yeedhato hay’adaha dawliga ah, sidaa awgeed guddiga joogtada ahi waxay noogu yeedhay si ay golaha u dhex geeyaan marka uu fasaxa ka soo noqdo, markaa waxaanu iska wareysanay shaqadii aanu soo qabanay (Doorashadii Madaxtooyada), iyo shaqada aynu u diyaargaroobayno ee ah doorashada Gollayaasha Deegaanka iyo Wakiillada”.
Guddoomiyuhu waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyey hawsha u diyaargarowga doorashooyinka Gollayaasha Deegaanka iyo Wakiillada, “Shaqada aynu u diyaargaroobayno oo ah shaqadii doorashada Gollayaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo Maxkamadda sare u muddaysay oo Baarlamaankana ka soo baxday inay dalka ka qabsoonto 27.03.2019, markaa waxaanu usoo bandhignay shaqadaasi heerka aanu marayno iyo sida aanu ugu diyaar garawnay iyo waxyaalaha loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo haddii ay tahay Baarlamaanka, Xisbiyada, Komishanka iyo Xukuumadda cusuba, wixii laga wada shaqayn lahaa iyo sidii markii hore ba la iskula jaanqaaday ee loo wada shaqaynayey oo aynu ku gaadhno doorashadan oo ah mid isku sidkan oo ah markii inoogu horreysay, markaa waxaanu ku gudo jirnaa sidii looga wada shaqayn lahaa, shaqadii Komishankuna sideedii ayey u socotaa, oo marar badan oo kalena waanu iska arki doonaa”.
Dhinaca kalena, Xildhibaan Cali Obsiiye Diiriye (Cali-Gabiley) oo u hadlay guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada ayaa iftiimiyey natiijada kulankan, waxaanu yidhi, “Annaga ayaa u yeedhnay oo ay naga aqbaleen oo waxaanu ka xog wareysanay qaladaadkii doorashadii hore iyo u diyaargarowga doorashooyinka soo socda oo ay diyaar u yihiin inay qabtaan, sidaasi awgeed xog fiican ayey na siiyeen oo waxaanu isla af-garanay in dhinac waliba dedaalo”.