Somaliland: Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Oo Mar Kale Maaggan Inay Albaabbada Isugu Dhufato Shirkad Kale Oo Malaayiin Doollar Ka Dhex Urursata Madaarka Cigaal, Magaceeda Iyo Cidda Iska Leh Shirkaddaasi

Date:

Mareeyaha Hay’adda Duulista Iyo Madaarada Dalka Maxamed Cabdi Rodol ayaa maagan inuu Albaabada u laabo mid ka mid ah Shirkado yar yar oo si gaar ah loo leeyahay oo mashruuc loogu xidhay inay qabtaan adeegii ay Hay’adda Duulistu qaranka u qaban lahayd, shirkadan oo iyaduna malaayiin doolar sanadkii ka dhex urursata Gudaha Madaarka Cigaal ee Magaalada Hargeysa.

Sida Warbixintani nagu soo gaadhay, Waxa uu maareeye Maxamed Cabdi Rodol ku mashquulsan yahay inuu meesha ka saaro,islamarkaana uu gacanta dawlada ku soo celiyo shirkad kale oo iyaduna la mid ah, islamarkaana matasha shirkadii dhawaan ay Hanti Dhawrka Qaranka Somaliland Albaabada u laabeen ee ka dhex adeegaysay Gudaha Madaarka Duulista Cigaal ee Magaalada Hargeysa,Waxaana shirkadani labaad oo sida la sheegay maalaayiin Dollar Qaranka ka lunsata sanadkii iyadana lagu magacaabaa “Delt Pass-Gate”. shirkadani ayay Xukuumaddii hore qandaraas naasnuujin ah si gaar ah ugu xidhay inay lacago ka urursato gaadiidka gudaha u soo gala Gudaha Kaamboolka Madaarka Cigaal ee Magaalada Hargeysa iyo guud ahaan Baarkinnada gudaha oo ay gaadiidka saacado ugu xisaabiso, waxaana sidoo kale Qandaraas loo siiyay adeegyo gaar ah oo ay dadka Madaarka ka dhoofaya uqabto oo ay lacago xad dhaaf ah kaga qaadato,iyadoo shaqaynaysay tan iyo sanadkii 2012-kii oo hawsheeda la bilaabay.
Wararka iyo Tafaasiisha Wargeyska Foore ka helay shirkadan labaad ee Lagu magacaabo Delta-Pass-Gate ayaa daaha ka rogay in shaqsiyaadka illaa hadda sida wayn loo hadal hayo ee iska leh shirkadani uu ugu horeeyo Cali Axmed Cali (Cali Hindi) oo ah Xoghayihii khaaska ahaa ee Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, iyadoo warar kalena ay sheegayaan inuu shuraako kula yahay oo uu isna mulkiilayaasha Shirkadani ku jiro Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Imaaraatka Carabta Baashe Cawil,oo isna awood badan ku lahaa Xukuumaddii hore ee Somaliland islamarkaana uu sodog u yahay Madaxweynihii hore iyo rag kale oo qarsoon oo aan wali soo shaac bixin, waxaaana si weyn loo hadal hayaa in maareeyo Maxamed Cabdi Rodol damacsan yahay inuu adeegani iyo lacagtaniba uu ku soo celiyo gacanta dawlada.
Shirkadan lagu magacaabo Delta-Pass-Gate ee uu Maareeyuhu doonayo inuu shaqada ka joojiyo ayaa Xafiis weyn ku dhex leh Xarunta Hay’adda Duulista iyo Madaaradda ee ku taala Albaabka labaad ee laga galo Madaarka Cigaal,waxa kale oo ay Xafiisyo ku dhex leedahay gudaha Dhismaha Madaarka Cigaal. Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Dalka ayaa xaalada gaar ah waajahday waxaanu maareeyaha Cusub ugu tagay Madaarka Cigaal shirkado yar yar oo Xukuumaddii hore ku naasnuujisay dad gaar kuwaasi oo afka u dhigta dhamaan Dakhligii Hay’addaasi u soo xeraynaysay qaranka ee ay ku shaqaynaysay. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa doonaya inay Hay’adda Madaaradu iskeed isku kabto oo ay isku filaanto,waxaanay arintaasi u baahan tahay in la tirtiro dhamaan Shirkadaha yar yar ee dadka gaar ah loo xidhay ee Madaarka Cigaal Ka dhex shaqeeya, kuwaasi oo lagu qiyaasay illaa 5-Shirkadood oo dad gaar ahi leeyihiin oo ay ka mid yihiin Shirkadii dhawaan hanti dhawrku xidhay ee SRM (Somaliland Security Management), iyo Delt Pass-Gate oo wali ka dhex shaqaysa Madaarka iyo kuwa kale oo aanu cadadadayada dambe ku soo qaadan doono.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...