“shirkaddahu, In Ka Yar Bey Saareen Inta Caalamku Ka Kordhay, Markaa Dadka Kaalmaha Ku Iibiya shidaalka Ayaanu nidhi……”
Wasaaraddaha horumarinta maaliyadda iyo ganacsiga ayaa shalay kulan la yeeshay, shirkaddaha dalka keena shidaalka ee gacanta ku haya kaydka haamaha shidaalka, kulankan oo muddo saacado qaatay ayaa waxa laga soo saaray go’aammo xal looga dhigayo sare u-kaca ku yimid qiimaha shidaalka dalka.
Kulankan oo warfidiyeenadu ay bannaanka ka joogeen ayaa markii uu soo dhammaaday waxa warbaahinta la hadlay, Wasiir ku-xigeenka maaliyada Maxamed Daahir Axmed iyo wasiirka wasaaradda ganacsiga Maxamuud Xasan Saajin.
“ganacsada shidaalka keena ee sida jumlada ah u iibiya, annaga oo isla eegnay arrimaha annagana na khuseeya, iyagana khuseeya, oo labadadyaduba bulshada ayaanu metelnaa. Sida ay wax u kordheen iyo halka ay wax ka kordheen iyo wixii macquul ah ee aan laga tagi karayn ayaanu isla eegnay. Ayuu yidhi wasiir-ku-xigeenka maaliyaddu.
Wasiirka ganacsiga Maxamuud Xasan Saajin oo isna halkaasi kaga dhawaaqay qiimeyaal uu sheegay inay isla waafaqeen shirkaddaha shidaalka keena, waxaanu yidhi; “waxaanu iskugu nimid danta dadweynaha, waxa meesha ku jirayse lama sheegin. Kordhin ay kordhiyeen dadka shidaalka keena iyo kordhin kale oo ay kordhiyeen dadka kaalmaha wax ku iibsha. dadka shidaalka keena suuqa ayaa ku keenay inay korodhsiimo keenaan, laakiin se dadka kaalmaha ku iibiya, maanu arag wax daruuri inay kordhiyaan, iyaga leftigoodana waxaanu nidhi, wax ka tanaasula, waxaanu meesha ka saaraynaa dadka Kaalmaha wax ku iibiya, kordhinta ay kordhiyeen ee cusub. Sidaasi ayuu yidhi wasiirku, waxaana uu halkaasi kaga dhawaaqay qiimaha ay isla qaateen in lagu iibiyo shidaalka, “maanta laga bilaabo qiimaha naaftada, waxa lagu iibin karaa 7,200 shilinka Somaliland ah, Baatroolkana waxa lagu iibin karaa 8,200, halkii maalmahan lagaga iibinayay naaftada Litir 7,500 oo shiln, Baatroolkuna ahaa Litir 8,500.”
Warbaahinta oo su’aal ka weydiisay wasiirka ganacsiga, sababta keentay korodha shidaalka, ayaa u muuqday mid difaacaya shirkaddaha soo dejeya shidaalka, waxaanu wasiirku kula soo booday markii su’aal laga weydiiyay amuurtan, sidan; “In kayar bay saareen, inta uu adduunka ka kordhay in kayar bay saareen.”
Xataa wasiirku ma aanu sheegin korodhka yimid iyo inta ay shirkaddaha shidaalku saareen qiimiha shidaalka ay dalka keenaan.
Go’aammadan ay xukuumaddu soo saartay ayaa u muuqda kuwo, gacan-ku-rimis ah oo dhabarka lagu soo taabtay, isla markaana u muuqda kuwo lagu naasnuujinayo ganacsada tuubadu ugu jirto shicibka, marka aad eegto farqiga u dhexeeyay labada qiime.
Sicir-bararka, sarif-bararka, shidaal-bararka iyo wada-bararka dalka ka taagan iyo dabcan habka soo baxay ee baalmarsan qorshihii Madaxweyne Muuse u ballanqaaday bulshada inay xukuumaddiisu kaga hortagayso, ayaa u muuqda, murti ku jirtay hees ay ku luuqayso, Khadra Daahir oo ahayd, “Cudurka Kaa Gala Fardaha Haddii laga Gubo Dameer, Dawada lama gaadhayee……”
https://youtu.be/a2hORbOgzIU