Somaliland: Wasaaradda Ganacsiga Oo Ku Fashilantay Inay Ganacsatada Shidaalku Dhimaan Qiimaha Shidaalka Ee Kor U Kacay & Qodobadii Shalay Oo Aan Qiimihii Hore Waxba Ka Dhimin

Date:

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliland Maxamed Sacad Iidle ayaa shalay kulan iskugu yeedhay Qaar ka mid ah ganacsatada shidaalka dalka keenta si uu ugala hadlo qiimaha shidaalka oo Somaliland kor uga kacay,kulankaasi oo uu goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Maxamed Daahir Furre,Waxaana kulankaasi ka soo baxay qodobo fajiciso ku riday dhamaan dadkii danaynayayay in Qiimaha Shidaalku halkii bishii hore marayay dib loogu celiyo,waxaanay Ganacsatii shalay kulankaasi joogtay marin habaabiyeen Wasiirka iyagoo u sheegay Qiime aanu Shidaalku marka horeba gaadhin.
Kulankan oo uu shir Gudoominayay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliland Maxamed Sacad Saajin ayaa lagu lafo guray cabashada ka soo yeedhay Korodha Qiimaha Shidaalka oo si weyn kor uga kacay Somaliland oo qudha labadii todobaad ee u dambeeyay waxaana fadhiyay oo kulankaasi oo ka soo qayb galay inta badan ganacsatada waa weyn ee Shidaalka dalka keena,Waxaana ugu dambayn kulankaasi ka soo baxay qodobo aan laga filayn kulankaasi oo aan waxba ka tarin cabashadii hore u jirtay,iyadoo hore litirka Shidaalka ah ee Paatroolka ah Kaalmaha Shidaalka dalku siinayeen qiime gaadhaya 8200 oo shilin Somaliland ah,halka qaar kalena ay intaasi qiime ka hooseeya ay ku iibinayaan,Waxaana layaab ah in Qodobka arintaasi ka hadlaya ee shirkaasi ka soo baxay ee ay masuuliyiinta Xukuumaddu ku amartay in Qiimaha Litirka Shidaalka Batroolka lagu iibiyo aanu ka duwayn qiimihii markii hore lagu kala iibsanayay ee laga cabanayay,waxaana muuqata inaanay masuuliyiintii Xukuumadda ee shalay shirka la gashay ganacsatadu xog ogaal u ahayn Qiimaha Shidaalka dalka.
Qodobadii shirka ka soo baxay ee uu Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaduhu Warbaahinta u akhriyay ayaa qaawiyay sida aanu wasiirku xog ogaal u ahayn Qiimaha Shidaalka ee laga cabanayo,waxaanay afka ugu rideen qiime aanu shidaalku gaadhin iyagoo ganacsatadu ka xaalaystay Qiimihii laga cabanayay“Saaka markii aanu halkan iskugu nimid,Anagoo eegayna Danta dad Weynaha,Si fiican ayaanu uwada hadalnay,Waxa meesha ku jiray Laba shay,Kordhin ay kordhiyeen,dadka shidaalka keena,iyo kordhin kale oo ay kordhiyeen dadka kaalmaha wax ku iibiyaa,dadka Shidaalka dibada ka keena suuqa ayaa ku keenay inay korodhsiimo sameeyaan,Laakiinse dadka kaalmaha ku iibiya,maanu arag wax daruuri ah inay kordhiyaan,iyaga nafahaantoodo korodhsiintoodii waxaanu nidhi wax ka tanaasula,Waxaananu meesha ka saaraynaa kordhinta Kaalmaha wax ku iibiya ay kordhiyeen ee Cusub,maanta laga bilaabo Litirka Naaftada waxaa lagu iibin karaa 7200 oo shilin, kor uma dhaafi karto,Litirka Batroolkuna 8200 oo Shilin kor uma dhaafi karo,halkii maalmahan lagaga iibinayay Naaftada 7500 oo shilin,Batroolkana lagaga iibinayay 8500 oo Shilin”. Ayuu yidhi.
Waxaa muuqata inaanu wasiirka iyo masuuliyiinta Cusub ee Xukuumadda Shirkaasi ku matalayay aanay xog ogaal u ahayn Qiimaha Shidaalku gaadhay ee laga cabanayay. Waxa sidoo kale su’aalihii Warbaahinta dhibsaday oo ka duday Sheekh Xasan Cabdisalaan oo ka tirsan Culimada Dalka,islamarkaana ka mid ah Saamilayda Shirkada Shidaalka ee Redsea. Sheekha ayaa la waydiiyay waxa keenay Kor u kaca shidaalkaa dalka Somaliland iyadoo uu aduunyada kale hoos uga sii socdo,waxaanu isagoo cadhaysan uu ka booday albaabka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...