Shirkaddan Ayaa Ku Diwaan Gashan Magacyadda Wasiirka Arimaha Dibada Iyo Safiirka Somaliland U Fadhiya Imaaraadka Carabta.
Wiilkii uu madaxweynihii hore Soddoga u ahaa ee ay bulshadda reer somaliland aadka uga qaylin jirtay ayaa Shirkad uu doonayo inuu ku jaah wareeriyo dadka doonaya inay somaliland maalgashadaan samaystay.
Shirkaddan oo ka mid ah shirkaddo lagu lunsaday hantidii ay bulshadda reer Somaliland lahaayeen oo dakhligii dawladda lagu dhaxal wareejiyey
Shirkaddan oo uu Baashe Cawil ugu magac daray Somaliland Investment Company ayaa waxa uu War-saxaafedeed usoo saaray ku sheegay in uu ka Diwaan-galiyey Saylad ku taalla suuqa Caalamiga ah ee Dubia magaceeduna yahay (Dubai International Financial Center DIFC), kuna sheegay inay waafaqsan tahay shuruucda ganacsiga ee Boqotooyada ingiriiska.
Shirkaddan oo uu u samaystay sidii uu reer Somaliland ugu dhici lahaa ayuu ku sheegay War-saxaafadeedkiisa in Shirkaddani indhaha Caalamka u soo jeedin doonto maalgashiga Somaliland, kana saari doonto caqabadaha hor yaala maalgashiga Somaliland lagu samaysan lahaa, waxaanu intaas ku ladhay in shirkaddu ay u sahli doono hawlaha baniyadda la macaamilkooda iyo maalgashiga gaarka ah iyo ka saami-leydaba.
War-saxaafadeedkan uu soo saaray wiilka uu Soddoga u yahay Madaxweynihii hore oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Hubaal ayaa u dhignaa sidan:
“Warsaxaafadeed: Maanta oo taariikhdu tahay 8 February, 2018- waxa sharif weyn u ah dalka iyo dadka reer Somaliland in diiwaangalin sharci ah loo sameeyay Shirkada maalgasgiga Somaliland (Somaliland Investment Company), iyadoo laga diiwaangaliyay Sayladda Suuqa Dhaqaalaha Caalamiga ah ee Dubai (Dubai International Financial Center DIFC). Diiwaangalinta oo waafaqsan shuruucda ganacsiga ee Boqortooyada Ingiriiska. Shirkadani waxay indhaha caalamka kusoo jeedin doontaa maalgashiga Jamhuuriyada Somaliland, waxaanay meesha ka sari doontaa caqabadihii horyaallay maalgashiga dalka, isla markaana waxay fududeyn doonta galista heshiisyada maalgashiga iyo ganacsiga ka dhexeeya Somaliland iyo caalamka intiisa kale. Sidoo kale waxay sahli doontaa shirkadani hawlaha bangiyada la macaamilkooda Caalamiga ah, maalgashiga gaarka ah iyo ka saamiyleydaba. Waxaana fududeyn doontaa hawlaha xisaab furashada akoonadda, dekadda Berbera iyo free zone-ba. Waana Illaahay mahadii in ay caqabado badan oo aqoonsi la’aantu keenaysay oo dhinaca ganacsiga iyo maalgashigu meesha ka bixi doonaan, taasi oo wax weyn ka tari doonta kobaca iyo horumarka dhaqaalaha dalka Jamhuuriyada Somaliland.”
Allaah Mahad leh
Baashe Cawil Cumar
Safiirka Somaliland ee UAE
War-saxaafadeedkaas ka dib waxa uu Wargeyska Hubaal daba gal ku sameeyey sida shirkaddan loo kala leeyahay waxaana agaasimayaal ka ah wasiirka wasaaradda arimaha dibada iyo safiirka Somaliland u qaabilsan dawladda imaaraadka carabta waxay u dhigan tahay sidan:
COMPANY INFORMATION
Name: Somaliland Investment Company Limited
Trading Name: Somaliland Investment Company Limited
Status of Registration: Active
Type of License: Non Regulated
Type of Entity: Company Limited By Shares
Date of Incorporation: 06 Feb 2018
Commercial License Validity Date: 05 Feb 2019
Directors:
Saad Haji Ali Shire
Bashe Awil Omar
Shareholders: Somaliland Ministry of Finance
Company Secretary: Abdirahman Hussain Abdalla
DNFBP:
No: Class of Issued Shares
Ordinary: Nominal Value of One Share
USD 1.000000
Amount of Authorised Share Capital
USD 5,000,000.00
Number of Issued Shares
50,000.000.000
Amount of Paid Up Share Capital
USD 50,000.00
DATA PROTECTION
Data Controller: Somaliland Investment Company Limited
DIFC Registered Number:2714
Permits required by Data Controller:
Notification of Personal Data operations: No
Permit to transfer Personal Data: No
Permit to Process Sensitive Personal Data: No