Kalmadan ‘Soomaaliyeed’ waxa ay ka turjumaysaa magac qoomiyadeed, waxaana loo adeegsadaa wixii ku abtirsada haybta SOOMAALI. Nuxurka adeegsiga kalmadani waxa ay tilmaamaysaa wax la wada leeyahay oo ka dhexeeya Soomaalida oo dhan. Maadaama oo ay soomaalidii kala dawlado tahay mar kasta oo la adeegsanayo kalmadan waxa la raacinayaa dhalashada dalka soomaaligu ka soo jeedo. Isticmaalka kalmada SOOMAALIYEED waxa ay la mid tahay isticmaalka kalmada “CARBEED”oo ay wada leeyihiin dadyowga ku abtirsada haybta CARABTA.
Adeegsiga Kalmada
Meelo badan ayuu galayaa adeegsiga kalmadani, hasayeeshee waa in la dhamaystiro micnaheeda si aanay ugu dhego-barjoobin dadka akhrisanaya, daawanaya ama dhegaysanaya. Bal hadda tusaalayaashan dhugo.
= Abwaan Soomaaliyeed, oo u dhashay dalka Soomaalilaan, Qoraa Soomaaliyeed, oo u dhashay dalka Soomaaliya, Fannaan Soomaaliyeed, oo u dhashay dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Majaajiliste Soomaaliyeed, oo u dhashay dalka Jabuuti iyo Weriye Soomaaliyeed, oo u dhashay Soomaalida waqooyiga Kiiniya. Sidaasi oo kale waxa la mid ah kalmada “Carbeed” oo noqonaysa Qoraa Carbeed oo u dhashay dalka Masar, Fannaan Carbeed oo u dhashay dalka Imaraadka, Weriye Carbeed oo u dhashay dalka Sucuudi Arabiya, Abwaan Carbeed oo u dhashay dalka Qadar IWM. Bal tusaalooyinkan dhugo:
Ahmed Mourad: waa qoraa Carbeed oo u dhashay dalka Masar, waa mid ka mid ah qorayaasha ugu caansan dunida Carabta. Sheekooyinkiisa ugu caansan waxa ka mid ah “Blue Elephant” Maroodigii Buluugga ahaa. Sheekadan waxa laga metelay filim suuq badan helay sannadkii 2014. Kuwan hoosena waa la mid.
Shukri Mabkhout: waa qoraa carbeed una dhashay dalka Tuunisiya, Ahmed Saadawi: waa qoraa carbeed una dhashay dalka Ciraaq, Ahmed Khaled Tawfik: waa qoraa Carbeed una dhashay Masar, Saud Alsanousi: waa qoraa Carbeed una dhashay dalka Kuweyt, Rabee Jaber: waa qoraa Carbeed una dhashay dalka Lubnaan, Raja’a Alem: waa qoraa Carbeed una dhalatay dalka Sucuudi Arabiya.
Adeegsiga Khaldan ee Kalmadan
Siyaasiyiinta iyo shacabka reer Soomaaliya ayaa si khaldan u adeegsada kalmadan. Ilaa hadda waxa ay ka tahay lama micnayn karo, ma aqoon-darro? ma badheedh?. Kay doonto ha noqotee, bal aynu eegno isticmaalka khaldan ee kalmdan loo adeegsado. Bal tusaalooyinkan eeg:
= Waxa ay odhanayaan, Madaxweyne Soomaaliyeed, waxaanay ka tegayaan dalkuu u dhashay. Oo dalkuu xukumaa? Ileyn Soomaalidu oo dhami dawlad ma wad lehee?, mooye, waa sheegaa ma dhaafto.
= Waxa ay odhanayaan, Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, taliyehee? Ma boolis ay soomaalidu ku mideysan tahay ayaa jira? Maya. Dalka uu u dhashay maxaad uga tagtay?.
= Waxa ay odhanayaan, Fannaan Soomaaliyeed, waa sax, dalkuu se u dhashay. Ma Soomaaliya?, ma Jabuuti, Ma Soomaalida Itoobiya, Ma ta Kiiniya, Ma Soomaalilaan.
Waxa sidaasi oo kale la mid ah Qoraa Soomaaliyeed, Suxufi Soomaaliyeed, Abwaan Soomaaliyeed iyo Siyaasi Soomaaliyeed oo aan la sheegin dalka ay u dhasheen. Dhibta kale ee shacabka Soomaaliya intaasi u soo raacdaa, waxa weeyi in dadka jooga Muqdisho oo keliya ay siiyaan kalmada ‘SOOMAALIYEED’. Malahayga Soomaalidii kale way iska xigsiiyeen soomaalinnimadii. Warbaahinta Muqdisho waa kuwa ugu adeegsiga xun dadyowga af-soomaaliga ku hadla ee geeska afrika degan. Wararkooda waxa hadh iyo habeen ay micno tiraan kalmadan. Waxaad arkaysaa warbaahin leh” Wasiirka Distoorka ee Soomaaliyeed” haa waanu garanay inuu haybta soomaalida ku abtirsado, laakiin dalkuu u dhashay? Waxa isaga khaldan labada kalmadood ee “ SOOMAALIYEED iyo SOOMAALIYA.
Cali Cabdi Coomay
Soomaaliyeed: Kalmad Adeegsigeeda La Dhalan-Rogay- W/Q: Cali Cabdi Coomay
Date: