Somaliland: Kulan Dhex Maray Wasiirka Macdanta Iyo Waxgarad Kasoo Jeeda Gobolka Saaxil Oo Natiijo La’aan Ku Dhammaaday

Date:

wasaarada macdanta iyo tamarta somaliland ayaa heshiis sahaminta shiidaalka ah la gashay shirkada BGB Energy oo laga leeyahay dalka Chine.  Heshiiska cusub ee xukuumada somaliland la gashay shirkada BGB Energy ayaa yimid ka dib markii ay dalka ka baxday shirkadii saxeexday heshiiskii hore ee Ganel Energy.  Warkan oo aanu kasoo xiganay Hadhwanaagnews.com oo xalay warkan iyadu ku daabacday degelkeeda waxaa uu sheegay in Sababaha ugu waa weyn ee ay shirkada Ganel Energy dalka uga baxday ayaa lagu sheegay arimo la xidhiidha dhinaca amaanka iyo wasiirkii hore ee macdanta iyo tamarta oo ku fashilmay inuu isku wado dadka ku sugnaa deegaanada ay shirkadu sahaminta ka waday iyo hawlaha socday. Dhinaca kale Wasiirka cusub ee wasaarada macdanta iyo tamarta somaliland Jaamac. Maxamuud Cigaal ayey la soo darseen caqabado la mid ah kuwii ka hor yimid wasiirkii ka horeeyey, iyada shirkada BGB ay deegaano ka tirsan gobolka Saaxil ka bilaabayso hawlo la xidhiidha sahaminta shiidaalka. Wasiirka cusub ee macdanta iyo tamarta somaliland ayaa dhawaan xafiiskiisa magaalada Hargeysa  kula kulmay odayaal, caaqilo iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Saaxil kuwaas oo ka wada hadlay sidii hawl galada sahaminta shiidaalku ay si habsami ah uga bilaabmi lahaayeen deegaanada gobolkaasi. Xubnahan ka soo jeeda gobolka Saaxil ayaa wasiirka macdanta iyo tamarta ka codsaday inuu saami ka siiyo masuuliyiinta hawlaha sahaminta shiidaalka ka bilaabaya gobolka Saaxil. Mid ka mid ah xubnihii la kulmay wasiirka macdanta oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo ayaa Hadhwanaagnews u sheegay inay wasiirka ka dalbadeen inuu wax ka bedel  ku sameeyo sadex qodob oo ay u arkeen inay ku jirto danta dadka deegaanku. Xubintan ka mid ah masuuliyiintii la kulmay wasiirka macdanta ayaa intaas ku daray inay wasiirka hor dhigeen dood ku saabsan in hawlaha sahaminta shiidaalka ee gobolka Saaxil uu ku koobay deegaanka, waxaanu xusay inay wasiirka u gudbiyeen inaanay aqbalayn in maamulaha shirkadu uu ahaado deegaankiisa, isuduwaha wasaarada macdanta ee gobolka Saaxilna uu ahaado deegaanka iyo in shirkada sahaminta shiidaalka bilaabaysa laga raray deegaankii ay markii hore dooratay isla markaana la geeyey meel kale, tasina ay ku haboon tahay in halkeedii lagu soo celiyo iyo inuu soo wareejiyey shaqaale ka hawl galayey sahamintii gobolada bariga kuwaas oo ka soo jeeda deegaankiisa. Xubintan ka midka ah waxgaradkii la kulmay wasiirka macdanta ayaa sidoo kale sheegay in wasiirku doodooda kaga hal celiyey inuu dib iskugu noqonayo isla markaana ay ka war sugaan, balse ay markii dambe jawaabta wasiirku noqotay inuu ku dooday in shirkadu ay qoratay maamulaha hawlaha sahaminta, halka ay shirkadu dagayso iyo shaqaalaha ay qaadanaysaba. Wararka laga helayo xubnaha reer saaxil ee kulanka la qaatay wasiirka macdanta iyo tamarta somaliland ayaa sheegay inay dib ugu noqdeen magaalada Berbera isla markaana aanay marna ka laaban doonin inay helaan wixii ay daw u leeyihiin.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...