Hanti Dhawrka Qaranka Somaliland ayaa Doraad albaabada u laabay shirkad dad gaar ahi ay leeyihiin oo amniga ka shaqaysa oo maalaayiin Doolar sanadkiiba ka lunsan jirtay Qaranka Somaliland, shirkadaasi oo xafiisyo ku dhex lahayd Gudaha Dhismaha lagu shaqeeyo ee Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Hargeysa,waxaana sida la sheegay baadhis Xoogleh lagu hayaa dhukumantiyadii iyo Macluumaadkii Shirkadaasi ku shaqayn jirtay ee ay Hanti dhawrku ugu tageen Xafiiyadooda,iyadoo saacado kooban xabsiga la dhigay masuuliyiintii Shirkaasi ee loogu tagay Xafiiskooda Garoonka Cigaal.
Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay Wargeyska Foore ayaa shaaca ka qaaday in arooryadii hore ee Salaasadii Doraad ay hanti dhawrka qaranka Somaliland ka dhex tooseen Gudaha Xafiisyada Garoonka Diyaaraha Cigaal ee Hargeysa,Waxaanay gabi ahaanba quful ku taageen xafiisyadii ay ku shaqaynaysay shirkad lagu magacaabo Marka Magaceeda lasoo gaabiyo SRM (Somaliland Risk Management),iyagoo saacado kooban sida la sheegay xabsiga dhigay Qaarka mid ah masuuliyiintii Shirkadaasi ee Wakhhtigaasi ku sugnaa Xafiisyada,balse markii dambe xoriyadooda u celiyay,Waxaanay sida lanoo xaqiijiyay Hanti dhawrkii halkaasi tagay gabi ahaanba la wareegeen Dhukomintayadii iyo macluumaadkii kale ee ay Shirkaasi ku shaqaynaysay si ay baadhis ugu sameeyaan.
Lama garanayo sababta dhabta ah ee ay Hanti dhawrku u qufusheen Xafiisyada shirkadaasi, mana jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinacayad ay arintani Khusayso balse sida lanoo xaqiijiyay waxa ay shirkadani ka mid tahay shirkado yar yar oo Garoonka Cigaal ka dhex samaysan oo dad gaar ah Xukuumaddii hore ku naasnuujisay,islamarkaana muddo dhawr sanno ahba cashuurtii dawlada u soo xeroon lahayd oo maalaayiin doolar ah ay ku dhici jirtay jeebado ay leeyihiin dad gaar ah,Waxaana sida la sheegay shirkadani lagu magacaabo SRM ee hanti dhawrku baadhayaan si caadi ah dadka dhoofaya iyo dadka soo degaya ay ka qaadi jirtay Lacag adag oo dollar ah oo ku dhic jirtay jeebka dad aan wali la aqoonsan oo daaha dabadiisa ku jira balse awood badan ku lahaa Xukuumaddii hore.
Warar dheeraad ah oo Wargeyska Foore ka helay Shirkadani ayaa daaha ka fayday in Dawlada Ingiriisku markii hore ay Shirkadan ugu deeqday Somaliland sanadkii 2012-kii,islamarkaana ay Dawlada Ingiriisku soo iibisay agabka iyo Mishiinadda Qaaliga ah ee ay ku shaqaynaysay balse markii dambe Xukuumaddii hore ee uu hogaaminayay Siilaanyo ay gacanta u galisay Dad gaar ah oo si gaar ah u munaafacaadsada,taasi oo keentay inay Dawlada Ingiriisku arintaasi ka xanaaqdo, islamarkaana ay dib ula laabato qorshayaasheedii horumarineed ee ay ku doonaysay inay dhinaca Amniga Garoomada Duulista Diyaaradaha kala shaqayso Somaliland.
Xogo kale oo faah faahsan oo Wargeyska Foore ka helay Shirkadani oo qaabilsanayd baadhista dadka garoonkaasi isticmaala ayaa iftiimiyay in Qof kasta oo ka dhoofaya garoonka Duulista Cigaal ay shirkadani ka qaadi jirtay lacag gaadhaysa 26 Dollar, lacagtaasi oo 16 dollar oo ka mid ah ay ansixiyeen Golaha Wakiiladda Somaliland balse 10-ka dollar ee kale ay iskood ugu dul darsadeen oo ay iska qaadan jireen,oo aan waxba laga waydiin jirin,waxaana sida la sheegay Shirkadaasi u soo xeroon jiray Sanadkii lacag gaadhaysa $ 400,0000-Dolllars (Afar boqol oo kun dollars),lacagtaasi oo inteeda badan marka laga reebo wax hoos uga yar 50,000-Kun oo dollars oo Dawlada uga hadhi jiray,ay inteeda kale ku dhicin jirtay sida laga wada dharagsan yahay jeeb ay leeyihiin Cid gaar ahi. Sidoo kale waxaa lanoo xaqiijiyay in Mudada qandaraaska shirkadaasi lasiiyay inay garoonkaasi lacagta intaasi leeg ku urursato ay ku egtahay 50-sanno(Konto sanno),oo ka soo bilaabaysay 2012-kii,oo shirkadani ay ka hawl gashay Garoonka Cigaal.
Wasiiraddii xilka ukala dambeeyay Xukuumaddii hore ee Siilaanyo ee Wasaaraddaasi soo maray gaar ahaan kuwii ugu dambeeyay sida Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani),iyo Cumar Sheekh Muxumed Faarax oo aan xilka Wasaaraddaasi ku raagin ayaa isku dayay inay Shirkadaasi gacanta dawlada ku soo celiyaan,waxaanay taasi keentay in xil wareejin lagu sameeyo oo Wasaaradaba shirkadaasi awgeed looga soo badelo. Warar kale ayaa sheegaya in Wasiirkii u dambeeyay Wasaaraddaasi Xukuumaddii hore ee Siilaanyo Farxan Aadan Haybe uu lacag yar oo naasnuujin ah ka qaadan jiray Shirkadaasi,lacagtaasi oo lagu sheegay inuu bishii ka qaadan jiray illaa 6-kun oo Dollar si aanu u faro galin.
Somaliland: Hanti Dhawrka Qaranka Oo Albaabada Iskugu Dhuftay Shirkad Si Gaar Ah Lacago Badan Uga Urursan Jirtay Garoonka Diyaaradaha Ee Hargeysa, Magaca Shirkaddan Iyo Fahfaahino Kasoo Baxay Baadhitaanka Hanti-dhawrku Ku Sameeyey
Date: