Qeybo ka mid ah Waddooyinka Muqdisho ayaa loo xidhay iyadoo maanta ku beegan tahay 8 February, maalintii la doortay Madaxweynaha Dalkaasi Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la xiray waddooyin dhowr ah, meelaha qaar ayaa dadka ay lugeynayeen. Wadooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah Isgoysyada Howlwadaag, Sheekh Cali Suufi, Tarbuunka, Taleex, iyo qeybo ka mid ah wadada Maka Al-mukarama oo Ciidamada ay gaadiidka u diidayaan.
Ciidamo ka tirsan dowladda oo wata gaadiidka dagaalka ayaa xalay lagu daadiyay waddooyinka Muqdisho, waxaana gaadiidka laga celinayaa isgoysyada qaar.
Sanad kaddib doorashadii Madaxweyne Farmaajo ayay dadku hadal hayaan in xaalada aanay aheyn sidii hore, waxaana dadka su’aalo iska weydiinayaan waxa ka dhaqan galay balanqaadkii Madaxweynaha sida inuu wax ka bedeli doono xirnaanshaha waddooyinka, waxaana taas cagsigeeda sii kordhay xirnaanshaha waddooyinka.
Dhinaca kale Munaasabadihii dabaal dega ayaa waxaa loo bedelay barnaamijyo baaritaan caafimaad lacag la’aan ah oo loo sameynayo dadka danyarta ahah sida Teendhooyin laga dhisay qeybo ka mid ah magaalada oo lagu xardhay sawirada Madaxweynaha.