Qiimaynta saxmada waddooyinka iyo gaadiidka Magaalooyinka Caalamka ee sanadkii hore
ee 2017 ayaa waxa lagu xaqiijiyay in Magaalada Los Angeles ee dalka Maraykanka ay
tahay magaalada ugu saxmada ‘Jaamka’ badan Magaalooyinka Caalamka waxaana ku xiga
labada Magaalo ee NewYork iyo Moscow sida ay baahisay shirkada Enrqui ee ka faaloota
arrimaha gaadiidka.
Dadka ku nool magaaladaasi Los Angeles ayaa waxa saxmada waddooyinka ku qaateen
sanadkii hore 102 saacadood, halka dadka degan magaalooyinka NewYork Moscow ay
Jaamka waddooyinka ‘Traafic Jam’ ku qaateen 91 saacadood.
Dhinaca Dalalka marka laga eego Dalka Thialand ayaa waxa uu noqday Dalka ugu badan
ee wadayaasha gaadiidku ay ku qaataan waddooyinka muddada ugu badan waxaana ku
xiga Dalka Indonesia waxa kale oo ku sii xiga Dalka Colombia iyo sidoo kale Dalka
Vnezuela, sidoo kale waxa dalalkaasi ku sii xiga Dalalka Ruushka oo galay Kaalinta lixaad
halka Dalalka Brazil iyo Maraykanku ay isku mid noqdeen isla markaana ay wada galeen
kaalinta lixaad.
Magaalooyinka Caalamka Ugu Cidhiidhiga Iyo Culeyska Badan Ee Dhinaca Waddooyinka
Date: