Somaliland: “Muuse Biixi Waxa Xoghayn U Ah Maxamed Kaahin, Waxaanay Labadooduba Ku Suntan Yihiin Dagaalkii Lagu Qaaday Xukuumaddihii Cabdiraxmaan Tuur Iyo Ina Cigaal”..Faysal Cali Waraabe

Date:

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa markii u horaysa weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumaddiisa Cusub waxaana uu ku dhaliilay inuu ku guuldaraystay inuu dadka mideeyo oo uu dabiibo kala qaybsanaantii ay Dadka kaga tagtay doorashadii madaxtooyada ee dalka dhawaan ka dhacday, Waxa kale oo uu soo foqay uurkutaalooyin soo taxnaa illaa 1991-kii markii Somaliland dhidibada loo taagay, waxaana uu walaac ka muujiyay in haddii aan afka la qaban ay soo ururayso dabayl la mid ah tii dagaalkii Sokeeye dalka ka riday 1994-kii.
Eng Faysal Cali waraabe ayaa hadalkan ka jeediyay kulan ay soo abaabuleen Siyaasiyiinta Madasha Wadatashiga ku bahoobay,waxaana uu ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay sidan“Anigu Boqol Maalmood ha hadlin ayaan islahaa,Markaa waxaaban ka baqayaa in la islaba gaadhi waayo,Caawa ayaan hadlayaa,Waxaydaan ogayna waan idiin sheegi lahaa oo waynu kala qoqobanahay oo waxay daantaasi qabto maba ogidin,Waxaad idinku qabtaana daantaasi ma oga,Gacan Libaax waxay qabtana Axmed Dhagax ma oga,waa lakala qoqoban yahay,markaa Dil dilaacan iyo qaybsanaantan socota waxay bilaabantay Wakhtigii dalka la xoreeyay,aasaaska hore haddii guriga laga kharibo gidaarku wuu dildilaacaa”.
Waxa kale oo uu yidhi“Khilaafkii SNM-ta ee 1991-kii bilaamay ee Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) Alle ha unaxariistee,oo sagaal bilood iyo 19 maalmood markii uu hayay Xukunka SNM-ta ayuu dalku xoroobay,Laba Sanno ayuu Dastuurku dhigayay,Waxaa la garan waayay waar ninkaasi haddii aad wax kale ku ixtiraami waydaan,ku ixtiraama nasiibkaasi soo dedejiyay inuu wadanku xoroobo,waad ogaydeen, labadii sanno ee u horeeyayba waa loo huri waayay oo waa tii kabaha lagala baxay,waakii dagaalkii sokeeye Burco ka dhacay,waakii Berbera ka dhacay,waa tii Boorama la fadhiistay,waa tii Xalka la doonay,waa kii soo baxay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Alle ha unaxariistee. Horta maalintaasi Fursad Fiican ayay ahaydoo waa laga tashaday oo waxaa layidhi kolhadii ay SNM-tii Heshiin wayday aynu doono qof xal ah,Ruug cadaagii ayaa la keenay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal,Isagii markii la keenay,maalintii uu 7-da Wasiir ku dhawaaqay ee Cabdiraxmaan ka soo horjeeday ee Muuse Biixi ka kow ahaa,ayaa Dagaalkii 1994-kii la bilaabay in la qaban qaabiyo”.
Ugu dambayn waxa uu yidhi“Anigu 1993-kii halkan ayaan imid,aniga oo Maraykan ku socda,horta Jawigii aan 1993-kii ku soo arkay ayaa maantana taagan,hadaan laga hortagina Waxaa dhacaya Dagaal,runtaa idiin sheegayaa,waxa weeyi doorasho ayaa dhacday,doorashadii qabiil ayay ku dhacday,Waxaan maqlayay maxamed Xaashi oo leh Barrigii uu ka helay Cigaal,ayaa uu yidhi illahaw dadka ama sidayda ka dhig ama iyaga sidooda iga dhig,Ana waxaan leeyahay Illaahow dadka sidayda ka dhig,waxa weeyi doorashadii dhacday yaa ku soo baxay?,Kulmiye ayaa ku soo baxay,Yaa Madaxweyne ka ah?,Waa Muuse Biixi, Yaa Xoghayn u ah?,Waxa weeyi waa Maxamed Kaahin, labadooduba waxay ku suntan yihiin dagaalkii Cabdiraxmaan Tuur Lagu qaaday iyo kii lagu qaaday Cigaal. Labadii xisbi may baarigin ee Waddani wali waxa uu leeyahay waa nala boobay oo waanu amaahinay ayuu leeyahay, waxa laga rabay inay dhisaan dawlad sal balaadhan oo dib u heshiisiin samaysa, dawlada ayaa looga joogaa inay dadka mideeyaan, dadkan waxa qabiilka ka ra’ra dawlada oo nidaam iyo cadaalad u samaysa intaasna iyaga ayaa looga fadhiyaa.” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...