Daraasad cusub oo dhawaan laga soo saaray Dalka Maraykanka ayaa lagu xaqiijiyay in Canabka caadiga ah loo isticmaali karo daawaynta Diiqada isla markaana laga samayn karo dawooyin xal u noqda dhibaatadaasi muddada aadka u dheer xalka loo la’yahay.
Deraasadan ayaa waxa soo diyaariyay khubaro ku dhaqan Magaalada NewYork ee dalkaasi Maraykanka waxaanay ku baahiyeen barta internetka ee Nature Communications.
Canabka ayaa waxa ku jira maadooyinka DHCA iyo sidoo kale maaddada Mal-gluco oo ah kuwo daawo ka noqon kara diiqada ay dad badan oo dunida ku nooli ay ka had iyo jeer cabashada ka muujiyaan.
Dad tiro badan ayaan jeclayn cunista iyo isticmaalka canabka waxaanay khubaradaasi ku taliyeen in la caadaysto cunista canabka.