Somaliland: Taliyihii Nabadgalyada Waddooyinka Ee Gobolka Togdheer Oo Geeriyooday Iyo Madaxweynaha Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay

Date:

Alle ha u naxariistee waxa Shil baabuur oo doraad ka
dhacay duleedka Magaalada Burco waxa ku Geeriyooday Taliyihii Ciidammada
Nabadgalyada Waddooyinka ee Gobolka Togdheer Cabdillaahi Soo-fadhiiste.
Marxuumka ayaa isaga ku sugan Magaalada Burco isla-markaana Cabbiraya goob uu Shil
baabuur ka dhacay waxa ku dhacay Gaadhi, waxaana Shilkaasi sababay inuu Geeriyoodo,
sida uu sheegay Taliyaha Ciidammada Booliiska ee Gobolka Togdheer Cabdi Cali Xayd oo
Shalay Warbaahinta la hadlay, waxaanu yidhi “Marxuumku isagoo shaqo Qaran ku jira oo
Cabbiraya Shil ka dhacay Warshadda Saxansaxo agteeda (Magaalada Burco), ayaa waxa
ku yimid Fal kale oo sababay inuu dhinto (Shil Baabuur)..”
Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Marka ugu horreysa waxaan ka
Tacsiyadaynayaa Ehelkiisii, Qaraabadiisii iyo Shacabka Somaliland, waxaanan leeyahay
ILAAHAY Cawad khayr qaba ha inoogu beddelo.”
Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Shacabka
Somaliland, Ciidammada Booliiska iyo Ehelkiisaba ka Tacsiyadeeyay Marxuum Cabdilaahi
Maxamed Faarax (Soo-fadhiiste), sida lagu sheegay dhambaal Tacsi ah oo Wargeyska
Himilo ka soo gaadhay Madaxtooyada, kaasi oo isaga oo dhamaystiran u qornaa sidan
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi Isagoo ku
hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u
dirayaa, Ciidamada qaranka Somaliland, gaar ahaan Ciidanka Booliska, ee uu ka baxay
Alle ha u naxariistee Marxuum  Dhamme Cabdillaahi Maxamed Faarax (Soo-fadhiiste) oo
ku geeriyooday Xalay (Habeen hore) oo ay taariikhdu ahayd 31/01/2018, magaalada Burco
ee gobolka Togdheer, tacsi taa la mid ahna waxa uu Madaxweynuhu u dirayaa
waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo
shacbiga Somaliland ee uu ka baxay. Marxuumka oo ahaa taliyaha qaybta taraafikada ee
Togdheer ayaa ku geeriyooday shil gaadhi wakhti uu ku guda-jiray  waajibaadkiisa shaqo,

gacantana ku hayey shil ka dhacay agagaarka cigaal Hotel ee magaalada Burco saacadihii
danbe ee (Xalay) habeen hore, waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey taliye
hawlkar ah oo ka baxay qaranka iyo ciidamada booliska Somaliland, ahaana taliye ku
dayasho mudan.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka
waraabiyo, Ciidamada qaranka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada,
qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa
ka siiyo.”
AAMIIN AAMIIN AAMIIN.
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Waaxda Saxaafadda Madaxtooyada JSL.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...