Somaliland: Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar Oo Ku Dhawaaqay Hadal Uu Ku Burinayo Go’aan Uu Suldaan Maxamed C/qaadir Ku Hakiyey Shir Beelaha Gar-xajis U Ballameen

Date:

Suldaanka Cismaan Suldaan Cali Madar oo ka mid ah
Salaadiinta waaweyn ee Beelaha Gar-xajis, ayaa ku dhawaaqay go’aan uu ku burinayo
Go’aan uu doraad soo saaray Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, kaasi oo ahaa inuu joojiyey
ama hakiyey muddo aan cayimnayn shirkii Beelaha Gar-xajis.
Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar ayaa sheegay in shirkii beelaha Garxajis uu ku
qabsoomi doono magaalada Burco xilligii hore loogu cayimay, sidaana waxa uu Suldaanku
sheegay isagoo ku sugan carriga Ingiriiska oo khadka teleefanka ugu warramay SAAB TV,
waxaanu yidhi “Aniga oo ku sugan London, waxaan idiinla soo xidhiidhay waxa warbaahinta
ka baxay hadal uu jeediyey Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo uu leeyahay shirkii waanu
hakinay ama waanu joojinay, waxaanu u sheegayaa dhammaan bulshada Garxajis meel
kasta oo ay joogaan in aan shirkaasi wax joojin iyo wax ka bedal ahi midna aanu jirin oo
sidiisii iyo waqtigiisii uu dhici doono haddii ALLE yidhaahdo”.
Suldaanku waxa kale oo uu intaasi ku daray “Shirkaasi wax iska beddalayaa ma jirto ee
waa in sidaasi lagu ogaado oo hawshiisa iyo arrinkiisii iyo goobtii uu ka dhacayeyna loogu
diyaar garoobo, Guddidii iyo Odeyaasha beesha Garxajisna aad ayaan u salaamayaa”.
Ugu dambayntii, Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar waxa uu hambalyo u diray
odayaashiisa Beshiisa “Guddida waxaan leeyahay waan idinku bogaadinayaa intii aan
idinka soo maqnaa Waqtigii aad sameyseen iyo goobtii iyo hawshii oo aad inoo waddaan,
waxaanan idin leeyahay waynu ku wada soconaa..”
Dhinaca kale, Suldaan Cismaan muu sheegin waqtiga la qabanayo shirkaasi iyo
ujeeddadiisa iyo sababta uu u khilaafayo go’aankii uu doraad soo saaray Suldaan
Maxamed Cabdiqaadir oo ahaa inuu Shirkii Beelaha Gar-xajis doonayeen inay ku
qabsadaan Magaalada Burco uu hakiyey illaa muddo aanu Cayimin “Waxaan leeyahay
Shirkaa Dib baynu u dhigaynaa oo ma qabanayno imika iyo wakhti, illaa aanu wakhti kale
ku iclaamino (Mooyaane), markaa sidaas ayaan ku hakiyey Shirkaa.”ayuu yidhi, Suldaan
Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo doraad la hadlay Warbaahinta, hadalkaasi oo ah kan uu
ka hor yimid ama qaaddacay Suldaan Madar.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...