Somaliland: Shirkadaha Qaadka Oo Aqbalay Cashuur Xukuumaddu Ku Kordhisay Iyo Doodda Ay Ka Qabaan Doorka Ay Ku Leeyihiin Sicir-bararka Dalka Ka Jira

Date:

Khilaaf ka dhashay Cashuur Wasaaradda
Maaliyaddu ku kordhisay Qaadka Somaliland looga iib-keeno Dalka Itoobiya ayaa la soo
afjaray, ka dib markii ay wada-hadal yeesheen Shirkadaha qaadka keena iyo laamaha
Xukuumadda ee arrintaasi khusayso.
Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa Kiilooga Qaadka ah ku kordhisay Cashuur dhan
2,690 (Shilin), laakiin Shirkadaha Qaadka ayaa diiday Lacagtaasi inay bixiyaan, laakiin
Wada-hadal ay la yeesheen Xukuumadda ayaa waxa la isku afgartay in Cashuurta lagu
kordhiyey qayb ka mid ah laga daayo isla-markaana ay qayb bixiyaan.
Sidaana waxa sheegay Xasan Weerar oo sheegay inuu yahay Afhayeenka Qaadleyaasha
Somaliland, kaasi oo Shalay Saxaafaddu wax ka waydiisay Cashuurta lagu kordhiyey iyo
waxyaabaha ka soo baxay Wada-hadallada ay la yeesheen Xukuumadda “in Cashuurka
Qaadka la kordhiyo waanu isku ogayn marka hore, laakiin Cashuurta ay kordhiyaan
Cashuur badan bay ahayd, markaa dib ayaanu uga Wada-hadalnay, markaa qaybna way
naga daayeen, qaybna waanu aqbalnay..” ayuu yidhi, Xasan Weerar, waxaanu intaa ku
daray “Cashuurta la nagu kordhiyey waxay ahayd 2,690 (Shilin) halkii Kiilooba, markaa 1,90
(Shilin) waa la naga daayey, 1,600 waanu qaadanay (Aqbalnay).”
Afhayeenka Qaadleyaashu wuxuu sheegay “Markii hore waanu isku dhacnay Xukuumadda,
laakiin markii dambe ayaanu si wanaagsan u wada-hadalnay Madaxweynaha, Madaxweyne
ku-xigeenka, Wasiirka Maaliyadda, Taliyaha Booliiska iyo Wasiirka Arrimaha gudaha, wixii
aanu ka cabanaynay waa la naga daayey, markaa arrinkayagu waa heshiis, Cashuurtaa
imika sare loo qaadayna waa wax aanu isla ogollahay.”ayuu yidhi, Afhayeenka
Qaadleyaashu.
Afhayeenka oo la waydiiyey in Qaadleyaashu qayb ka yihiin Sicir-bararka Lacagta Dollarka,
ayaa ku jawaabay “Sicir-bararka jira kollay qayb-baanu ka ahayn waa xaqiiq oo ma
diiddanin haddii aanu nahay reer Qaad-wale, laakiin waxa meesha taalla siday u
fadhiisanaysaa, Waayo? Lacagta Birta innagu ma lihin, Dollar-kana innagu ma lihin, haddii
Bir lagu qaatana Sicir-barar bay keenaysaa, haddii Dollar lagu qaatana Sicir-barar bay
keenaysaa, markaa Qaadka oo keliya ma sababo (Sicir-bararka) ee waxyaabo badan baa
sababa. 5 Milyan waxay habeenkii u hoydaan Zaadka, ku hadalkuna waa Saddex Milyan,
markaa 8-daa Milyan baa u hoyda (Zaadka), laakiin Annaga habeenkii 3 boqol oo kun oo
Dollar baa noo hoyda ama Boqol iyo labaatan, markaa eedayntu annaga uun maaha ee
waxa ugu daran Malcaamadaha Qur’aanka iyo kuwa Wadaaddada ah ee Qaadka eedeeya,
Ilmaha yar waxay ka qaataan 35 Dollar, Dawladduna Cashuur kama qaaddo, Laydhkaa
Dollar laga qaadaa, Xoolaha Dollar baa lagu iibiyaa, wax lacagta Somaliland qaata Annaga
ayaa jirna.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...