Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylic) ayaa kormeer ku soo maray hanaanka ay u shaqayso Dekeda magaalada Berbera iyo qalab cusub oo maamulka Dekedu keenay, kaas oo lagu horumarinayo adeegyada Dekede Berbera.
Maareeyaha Dekeda Berbera Siciid Xasan Cabdilaahi ayaa Madaxweyne ku xigeenka warbixin ka siiyey qaabka ay u shaqayso Dekeda Berbera, waxaanu yidhi “Qalabka halkaa ka muuqda waa shan xabo oo waaweyn, waa kuwii laba-labada qaadayey oo muddo dhawr iyo labaatan maalmood ah ayay yalaan, halkan Dekeda dhexdeeda ayaa lagu rakibay Baabuurtana waa kuwii Kontinarada qaadayey oo waxay isku bedeshay Kontinar. Shaqaalihiina tayadooda aqooneed waa la kordhiyey, shaqaduna si deg-deg oo wanaagsan ayay noogu socotaa wax dhibaato ahina ma jiraan.” Maareeyaha Dekeda Siciid Xasan Cabdilaahi.
Maareeyaha Dekeda Berbera Siciid Xasan Cabdilaahi waxa uu intaas ku daray, “Waxaanu rajaynaynaa bisha shanaad inay yimadaan qalabkii waa-weynaa, madaama oo xiligaasi ay bilaabmayso wakhtigii dabayshu oo caqabad badani ay ka jiri-jirtay, laakiin imika waxaanu rajaynaynaa wax walba INSHA ALLAH inay si caadi ah u socdaan.” Ayuu yidhi Siciid Xasan Cabdilaahi Maareeyaha Dekeda.
Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Cabdilaahi ayaa dhinciisa Madaxweyne ku xigeenka warbixin siiyey.“Kormeerkan aad nagu soo martay ee laba maalmood ah waanu kaaga mahad-celinaynaa, waxaanu soo marnay Maktabadii Buugaagta (Library) sida uu u shaqeeyo ee dar-darta leh ee loo xoojiyey inaanu ku tusno oo aad nala ogaato ayaanu kugu tallo-galnay.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Saaxil.
Geesta kale Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici ayaa kormeerkiisan ku soo maray xarunta dawladda hoose ee Berbera, Maktabada Buugaagta iyo Cusbitaaalka magaalada Berbera, waxaana Maayar ku xigeenka degmada Berbera Baashe Cabdilaahi Yacquub iyo Xoghayaha dawladda hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Siciid ay Madaxweyne ku xigeenka uga warbixiyeen hawlaha dawladd hoose ahaan u qabtan bulshada ku dhaqan magalada Berbera.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka hadlay kormeerkan uu ku soo maray laamaha dawladda ee magaalada Berbera, waxaanu yidhi “Masuuliyada hadhow ku soo socota ee ah adeegyada aasasiga ah inay la wareegaan dawladdaha hoose, loona diyaariyo. Loona tababarayo inay adeegyada Dugisyada hoose/dhexe, Caafimaadka iyo biyaha, waxaas oo dhami waxay noqonayaan maaamul daa-dejinta Somaliland samaysatay.”