Somalia: Xarrakada Al-shabaab oo labo Nin ku fulisay xukun gacan goyn ah Shabeellaha Hoose

Date:

Al-shabaab ayaa fagaare ku yaalla degaanka Kuunya-barrow ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxay shalay gelinkii dambe xukun gacan goyn ah ugu fuliyeen laba nin oo ay ku eedeeyeen in ay ku kaceen fal xatooyo ah.

Goobta xukunkan uu ka dhacayay oo aheyd meel fagaare ah ayaa waxaa isugu yimid boqolaal ruux oo dadka degaanka ah oo u badan Haween iyo Carruur, kuwaasi oo daawanaayay qaabka xukunka uu u dhacayay.

Maxkamad Al-shabaab ay ku leeyihiin degmada Kuunya-barrow ayaa la hor geeyay labadan Nin oo lagu eedeeyay in ay jabsadeen dukaan ku yaalla degaanka Ambareeso oo ku aadan albaabka laga galo degmada Baraawe ayna ka qaateen 17 Milyan, Lix Boqol iyo Todobaatan iyo Saddex Kun oo shillinka Soomaaliga ah.

Ragga xukunka lagu fuliyay ayaa lagu kala magacaabaa Maxamuud Maxamed Xassan oo 54 sano jir ah iyo Xassan Maxamad Yuusuf oo 45 sano jir ah.

Maxkamadaha Shabaab ayaa badanaa xukunada ay qaadaan waxa ay yihiin kuwa hal dhinac ah, maadaama dadka dambiyada ay ku soo eedeeyaan aanan laga hayn qiraal cad oo ku aadan falka lagu soo eedeeyo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...