” Doorashadii dhamaatay maxaad ku xasuusataa ” .
Wasiirkii horre ee Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Maamuulka Dekedaha ee Xukuumadii Siilaanyo ayaa mar uu ka hadlayay is badalka uu ku arkay Dalka Somaliland wuxuu yidhi ” Dadkiiba waxay noqdeen Orromo , ma waxaad aragtay qofkii kula joogay oo hadana kugu maqan ” .
Imika haddii la igu odhan lahaa Doorashadii dhawayd maxaad ku xasuusataa waxaan odhan ku jawaabi lahaa , waxay ahayd doorashadii intii aan doorasho arkayay ilaa 2002 ugu laba wejiilaynta badnayd 60 % Xisbiyahanada dadku muuqaalkooda arkayay may joogin meelaha laggu arkayay laakiin quluubtoodu meelo kale ayay la haysatay, qaar sidda sheekh C/qaadirkii la odhan jirey dhulka ayuu taako taako ugu jiraa ayay xisbiyada mid walba taako taako ugu jireen , oo mid habeenkii bay ahaayeen , midna hadhkii bay ahaayeen niyadooduna meela may ahayn .
Taageerayaasha axsaabta iyo waxoogay aan badnayn mooyaane , xisbiyahanada in badan oo ka middi waxay ahaayeen sidda Ceel ku yaala Dacar-budhuq agteedda oo la yidhaahdo Gal-xidigaale oo la sheego in uu halkaa badda uga daloolo kuwo hoosta isagga wadda daloola .
” Nin aan waayo caduhuu liq liqay ,cudur kusoo saarin ,
Ama cashiiraduu berri qatay loo cadibi doonin ,
Ama calanku sheeg sheega ahayn cudur wuxuu laacay ,
Cibaaradu hadhow waa ninkay cidhfisan doontaaye ,
maxaa caalim sheekayn ogaa cidhib la’aan doona .
( Dalaayad ) .