Somaliland: Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland iyo Odayaasha deegaanka Tuka-raq oo isku raacay in deegaanada Tuka-raq lagu fidiyo maamulka dawladnimo

Date:

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaciil (Saylici) oo ku sugan Magaaladda Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool ayaa xalay kulammo la qaatay waxgaradka, odayaasha iyo Isimada deegaanka Tuka-raq.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa kulmo goonni-gooni ah la qaatay odayaasha iyo Waxgaradka deegaankaasi waxaana kulamadani ku wehelinayay Wasiirka horumarinta Biyaha Saleebaan Cali Koore iyo Wasiirka Gashaandhiga Md.Ciise Axmed Yuusuf, wasiir ku xigeenka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Md. Maxamed Muuse Abees iyo masuuliyiinta ciidanka Qaranka Somaliland.

Kulankani ayaa nuxurkiisu ahaa sidii bulshada deegaankaasi ku nool oo muddo ku siman 27 sanno ka oomanaa dawladnimada iyo Waxqabad heerkasta oo uu gaadhsiisan yahay, iyo sidii loo gaadhsiin lahaa adeegyada ay u baahin yihiin gaar ahaan biyaha iyo caafimaadka iyo sidii odayaasha iyo dawladda Somaliland uga wadashaqayn lahaayeen nabadgalyada guud ee deegaankaasi, Waxaana odayaasha deegaanku codsadeen in magaalada Tuka-raq la keeno kastamka cashuuraha barriga ee gobolka Sool.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa odayaasha iyo dadweynaha deegaankaasiba uga mahadceliyay sidii qiimaha lahayd ee ay u soo dhaweeyeen, Waxaana uu balanqaaday inkastoo dawladdu cusub tahay hadana inay ka xukumad ahaan ku dedaalayaan sidii dadkaasi loo gaadhsiin lahaa maamul fidinta iyo waxqabad intii la awooddo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...