Jamhuuriyadda Somaliland iyo maamulka Puntland waxa ka dhexeeya daris wanaag, cilaqaad qaraabo mid xidid iyo xigaal, cilaqaad ganacsi oo taariihki ah. Laakiin waxa laysku maandhaafsan yahey waxa weeye, xukuumadda Somaliland oo rabta iney sugto xuduudihi Somaliland ee Ingiriisku ka tagey, halka Puntland ku andaconeyso iney xuduudeedu tahey ilaa inta ay degaan dadka ay isku heybta yihiin ( Beesha Harti ).
Beelaha Soomaali waxey ku nool yihiin xuduud dawlado kala duwan, markey dawladihi Somali ee hore isku deyeen iney xoog ku mideeyaan dhukla ay Somali degto waxay kala kulmeen burbur, dib u dhac iyo go’doon siyaasadeed, dhaqaale iyo milatary oo caalaami ah ilaa maantana ay Somali ka soo kaban la dehey. Haddaba isago khilaafkasi jiro aya madaxweyne Farmaajo uu arka fursad u dab ka holcin karo labada maamuul. Waxeynu wada oggsoonahey innu madaxweyne Farmaajo ka mid aha barbaarti RIJIIMKI DHIIG YA CABKA AHA EE SIYAAD BARRE oo lagu soo ababiyey qaraabo kiilka, eexdda, tacadiga iyo afkaarta cunsiryeesneyd ee RIJIIMKI SIYAAD kula dhaqmi jirey Soomaalida aan reerkooda aheyn.
Haddaba isago ka duulaya cadaawadda cunsuureyeysan ee ka dhalatey sooyaal taariikheedka uu Farmaajo la laha rijiimki Siyaad Bare ee Somaliland hoogga iyo halaagga badey ayey cuqdadaas markiba bannaanka u soo bodey isago isleh waxaad heysata fursad aad Somaliland kaga aarsato oo aad carqaladeen karto horimurka dhaqaale, dimoqraadiyadeed, nabadeed iyo guulaha siyaasadeed ee isdaba jooga ee maalin walba Somaliland ku tallaabsaneyso inta aaney gaadhin meel fog oo beesha calaamka ku qanciya iney ictiraaf siiso si ay u heesho xaqeeda sharci ee ku duugan Charterka jimciyadda qurumaha ee aayo ka tashiga ( United Nations Charter of Self Determinations ) si ay uga mid noqoto dawladaha Calaamka ee la aqoonsan yahey.
Farmaajo wuxu bilaabey innu puntland kun soo daabulo ciidamo beelaysan oo ka mid aha ciidamadi Somalia ee loogu talo galey iney gacan siiyaan Ciidamada Amisom ee kula jira dagaal qadhaadh oo lagu hoobtey argagixisada Al Shababa oo meelo badan konfuurta Somalia ka taliya.
Somalidu waxey ku maah maahda ‘’maxa meyd ugu dambeyey iyo ka imika la sii sido’’, guulaha Somaliland ugu dambey ee aad uga cadheysiy Farmaajo waxa ka mid ah:
Doorashada madaxtooyada ee qaab casri ah ( Iris Biometri Voter registration ) uga dhacdey Somaliland 13 November,2017. Doorashadaas oo ay ku guuleysteen musharaxiinta xisbiga Kulmiye madaxweyne Muse Bixi iyo kuxigeenkisa Cabdiraxmaan Seylaci. Doorashadaas oo soo jidatey indhaha caalaamka sida hufnaanta iyo nabad gelyadda ieh ee uu qabsontey
Daminta colaadda khaatumo iyo Somaliland ka dhexeeysey oo heshiis waara laga gadhey, markhaatina ka yahey madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle.
Xidhiidhka qotoda dheer ee u dhexeeya Somaliland iyo dawladaha jaarka ah sida Djibouti iyo Ethopia oo martiqaad rasmi ah u fidiyey madaxweynaha la doortey 13 November, 2017 mudane Muse Bixi Cabdi. Boqashadaa waxa ka dhalatey si xoojinta xidhiidka siyaasadeed iyo heeshiisyo ganacsi oo dhinacyo badan .
Ishkaashiga balaadhan ee u dhexeeya Somaliland iyo dawladaha khalijka ee hormoodka ka yihiin dawladda Sacuudiga iyo Imaaratka Carabta. Iskaashiga waxa maxsuulka midhuhisu yahey in shirkadda weyn ee DP World ay heeshis dhaqaale oo calaami ah la gasho Somaliland sidi lo balaadhin laha oo lo hormurin laha dekedda Berbera iyo Kaaba yaasha dhaqaale si ay u noqoto mid la tartanta dekedaha mandaqadda ku yaal. WAXA XUSID mudan in xukuumadda cusub ee u hoggaaminaayo madaxweyne Muse Bixi looga baahan yahey iney xidhiidh deg deg ah la sameeyso dawladda Sacuudiga si ay qeybteeda ka geysato iskaashiga ay la gashey isbaheysiga dawladaha khaliijka oo ay cadaawad ka kasbatey qaar mid ah dawladaha mandaqadda ku yaalla sida Somaaliya, Xuutiyiinta, Iran iyo xulafadeeda ay hoggaamiso.
XIdhiidka Somaliland iyo beesha caalaamka oo soo kobcaya gaar ahaan markey dhacdey doorashadi madaxtooyada 13 November,2017. Waxanay bilaabeen xubno ku jira Barlamaanka Ingiriiska iyo Europe Unionku iney cadaadis saaraan dawladahooda sidey u dhiri gelin lahayeen una xoojin la hayeen xidhiidka siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ka dhexeeya Somaliland iyo dawladahooda. Waqtigan aan qoraayo maqaalkeygan waxa dawladda Ingiriiska ku maqan wasiirka arrimaha debedda ee Somaliland si u xoojiyo xidhiidhka labada dal, waxaana surta gel ah innu uga gudbo dawladaha EU da.
Alla mahad leh,