Somalia: Madaxweyne Farmaajo oo ku sii jeeda degmada Hobyo

Date:

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaala Xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa ka baxaya degmada Caabud-waaq oo ay xalay ku hoydeen, waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in uu xerga ka jari doono dhismaha dekadda magaalada Hobyo.

Safarka Madaxweynaha uu ku tagayo magaalada Hobyo ayaa waxaa ku wehlinaya Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, wasiiro iyo xildhibaano ka kala tirsan dowladda federaalka iyo Galmudug iyo xubno kale.

Magaalada Hobyo waxaa ka socda diyaar garow aad u baalaran oo ku aadan soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafidgiisa, waxaana wadooyinka waa weyn lagu xardhay calanka Soomaaliya.

Waxaa la filayaa marka uu madaxweynaha tago magaalada Hobyo in uu kulamo la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan waxagaradka iyo dhalinyarada.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...