“Wax badan ayaan kaa bartay.”.- Lionel Messi oo Fariin Damqasho leh u soo diray Ronaldinho

Date:

 Lionel Messi ayaa Fariin Damqasho leh u soo diray Saaxiibkii Ronaldinho kaddib markii uu ka fariistay ciyaaraha.

Assis ee ah Ronaldinho walaalkii isla markaana ah Wakiilkiisa ayaa goor dhowayd ka dhawaajiyay in rugcdaaga reer Brazil uu gabi ahaan isaga fariistay kubbada cagta.

Kabtanka xulka Argentina oo qiray inuu wax badan ka bartay Ronaldinho ayaa Fariin uu soo dhigay Baraha Bulshada u dhaceysay sida

“Sida aan had iyo jeer iraahdo, wax badan ayaan la joogaaga ka bartay, markasta waan kaaga mahad naqi doonaa sida ay u sahlaneyd inaad wax kasta ii sameysay markii aan ku soo biiray qolka Dhar badelashada.

“Nasiib ayaan kulahaa inaan waxyaabo badan kula wadaagay aad ayaana u faraxsanahay, maxaa yeelay marka lagu daro tayadaada aan caadiga ahayn ee kubbada waxaad tahay shaqsi wayn oo wanaagsan taas ayaana ah tan ugu muhiimsan.

“Xitaa haddii aad go’aansato inaad tagto, Kubbada cagta marna ma ilaawi doonto dhoola caddeyntaada. Tan ugu fiican ayaan kuu rajeynayaa Ronnie.’

Labada Laacib ayaa afar Sano ka soo wada ciyaaray Nou Camp ka hor inta uusan Ronaldinho u dhaqaaqin AC Milan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...