Somaliland: “Annaga Oo Aan Cabudhinayn Warbaahinta Waxaanu Ku Samayn Doonaan Isbeddel Weyn Iyo Soohdin Aan Laga Tallaabin….” Warfaafinta Wafaafinta Somaliland

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigalinta iyo Dhaqanka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-Barwaaqo), ayaa soo bandhigay qorshaha xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku wajahayso warbaahinta dawladda iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo waliba baahinta wararka madax-dhaqameedka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigalinta iyo Dhaqanka ayaa arrimahan iyo qorshaha cusub ee xukuumadda kaga warramay hadal uu ka jeediyay shalay fadhigii Golaha Wakiillada ee ay mudanayaashu xilkaasi ugu ansixinayeen, wasiirku waxaanu ugu horreyn tilmaamay aragtidiisa ku wajahan Wasaaradda Warfaafinta iyo heerka guud ahaan warbaahinta dalka, waxaanu yidhi, “Wasaaradda Warfaafintu waxay ka mid tahay wasaaradaha foolaadka u ah dalka, waana halka laga hago ee laga hannuuniyo ummadda ee wax laga baro, sidaasi awgeed dhawaanahan waxaad la socoteen in Wasaaradda Warfaafinta ama warbaahinta dalkeena oo dhami in si aan sidaa ahayn loo adeegsanayey oo qabyaalad loo adeegsanayey, hadda  waxa annaga naga go’an in warbaahinta dawladda iyo ta gaarka loo leeyahay midna in aan loo adeegsan doonin qabyaalada iyo kala qoqobida dadweynaha, si taasi noogu hirgasho waxaanu adeegsan doonaa wacyigalin, iyo kor u qaadista waddaniyada iyo is jaceylka iyo isku soo dhawaanshaha bulshada koone ilaa koone, waxaanay wasaaradu noqon doontaa wasaarad isku xidha Gollayaasha, Wasaaradaha iyo Dawladda”. Waxaanu intaasi ku daray Wasiir Guri-Barwaaqo qorshaha gaarka ah ee ay wasaarad ahaan ku wajahayaan warbaahinta gaarka loo leeyahay, “Waxaanu isla garanay ama noo qorsheysan in aanay madaxda dawladu heerka ay doonaan ha ahaadeene in aanay adeegsan doonin warbaahinta gaarka ah ee ay adeegsan doonaan Wasaaradda Warfaafinta, si ay taasi u hirgasho waxaanu idinka codsanaynaa haddii aad tihidiin Gollayaasha in wax kasta oo aad u baahantihiin aanu diyaar idiinla nahay oo aanu halkani idiinka sameyn doono xafiis lanagala soo xidhiidho oo idiin diyaar u ah wixii aad u baahantihiin ee wacyigalin, wanaag iyo tabbaabushe ah oo aad adeegsataan”.

Sidoo kalena, Wasiirka warfaafintu waxa kale oo uu ka hadlay qorshaha xukuumada ee aadan warbaahinta iyo madax-dhaqameedka “Ma dhici doonto in Suldaan meel inta uu isasoo taago uu reer farta u lulo oo loo adeegsan doono warbaahinta, laakiin se waxa loo adeegsan doonaa waxbarashada iyo kor u qaadista waddaniyada dadka, waxaananu ku dedaali doonaa inaanu tayeynu barnaamijyada Wasaaraddu soo saarto, haddii ay tahay Wargeys, Tv, iyo Idaacad”.

Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo waxa kale oo uu tilmaamay qorshe cusub oo ku bedali doonaan xadhiga weriyayaasha, “Waxa dhici jirtay in Weriye wax sheegay in la xidho oo ay keeni jirtay in sumcadeena kor u qaado oo la yidhaa weriye ayaa la xidhay waxaana noo qorsheysan in aanaan la xisaabtamin weriyayaasha, laakiin aanu la xisaabtano Agaasimeyaasha, Mulkiilayaasha, Tifatirayayaasha, sababtuna waxa weeyi iyaga ayaa ka masuul ah oo waxaanu la xisaabtami doonaa tifatiraha oo masuul ka ah ogolaadayna warka fidmada ah ee uu inanku gobollada ka soo diray ee ummadda loo sii daayey, sidaasi daraadeed waxay noqon doontaa isbedal weyn oo aanu ku sameyn doono iyadoo aanaan cabudhinayn warbaahintii ama xorriyatul qawlkii, hase yeeshee loo sameyn doono soohdin aan laga tallaabin ee ay noqon doonto mid aanu kula xisaabtano Agaasimayaashii, Mulkiilayaashii iyo Tifatirayaashii”. Ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigalinta iyo Dhaqanka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-Barwaaqo)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...