Somalia: Madaxweyne Farmaajo : Is qabqabsiga siyaasadeed wuxuu caqabad ku yahay hormarka dowladda

Date:

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlayay munaasabad sagootin ah oo loogu sameeyay magaalada Boosaaso ayaa soo hadal qaaday is qabqabsiga siyaasadeed ee dalka ka jira.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in is qabqabsiga siyaasadeed ee jira uu caqabad ku noqon karo hormarka dowladda, waxaana uu intaa ku daray in dowladda uu madaxweynaha ka yahay mar horeba ka sii fikirtay in lagu gudbo marxalada ku dhisan in sanad walba la soo dhiso xukuumad cusub.

‘’Khilaafka iyo is qabqabsiga siyaasada waxaa uu caqabad ku yahay jiritaanka dowladnimada, Annaga ma dooneyno in sanad walba in la soo dhiso xukuumadu cusub mid kalana la rido’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale waxaa uu soo hadal qaaday madaxweynuhu sida bulshada Soomaaliyeed markan qadyaan uga joogaan nidaamka 4.5ka ee awood qeybsiga, isaga oo sheegay in wixii hadda ka danbeeya loo baahan yahay in dalka laga hergaliyo Xisbiyo Siyaasadeed.

‘’Bulshadii aan aragnay muddadii aan hadda safarka ku soo jirnay waxey –na weydiisanayeen in laga gudbo nidaamkan qabiilka ku dhisan loona gudbo in dalku yeesho Asxaab siyaasadeed oo dadku isku raacaan aragti balse aysan isku raacin qaabiil’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo), oo maalmahan Puntland ku marayay safarkiisii ugu dheeraa ee dhinaca dhulka ah uu ku maro tan iyo intii madaxweynaha loo doortay ayaa la filayaa in uu u soo gudbo dhinaca deegaannada Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...