Tababaraha kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri ayaa ogolaaday inuu layliyo xiliciyaareedka dambe kooxda Chelsea.
Corriere dello Sport ayaa daaha ka qaaday in Allegri uu ku jiro liiska tababareyaasha u sharaxan badalka Antonio Conte dhamaadka xiliciyaareed kaan, isla markaana uu ku sii jeedo galbeedka London.
Conte ayaa xiliciyaareedkii hore horyaalka u gacan galiyay Chelsea, balse wuxuu ku fashilmay xiliciyaareed kaan inuu tartan la galo kooxda tababare Pep Guardiola oo haatan ka horaysa 16-dhibic.
Laakiin Juventus ayaan ogolaan doonin in Massimiliano Allegri uu ka tago kooxda dhamaadka xiliciyaareed kaan.
Massimiliano Allegri ayaa kula jira Juventus heshiis dhacaya 2020, kooxda ayaa doonaysa inay sii haysato 50 jirka reer talyaani ilaa waqtigaas.
Isku dhac badan ayaa dhex maray maamulka Chelsea iyo tababare Antonio Conte, balse milkiilaha kooxda ayaa ugu danbayntii go’aansaday inuu iska diro tababaraha reer talyaani.