Dalka Sudan ayaa waxa uu ku qani yahay Dahabka waxaanay Dad badan oo u dhashay dalkaasi ay si sharci darro ah uga ganacsadaan dahabkaasi.
Ciidammada Dalka Sudan ayaa waxay gacanta ku dhigeen dahab si sharci darro ah looga saarayey Dalkaasi isla markaana loo iib geynayay Dalka Chad ee ay Deriska yihiin.
Afhayeen u hadlay Ciidammada Dalka Sudan ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 85 Kg oo dahab ah, waxa kale oo ay tilmaameen in dahabkaasi uu yahay dahabkii lagu sameeyay dalka gudihiisa oo aan la ogoleyn in si sharci darro ah loogu dhoofiyo Dalka Dibaddiisa.
Wasaaradda Macdanta ee Dalka Sudan ayaa sheegtay in 75% wax soo saarka Dahabka ee Dalkaasi si sharci darro ah loogu dhoofiyo Dalalka ay deriska yihiin arrintaasi oo ah mid aanay xukuumada Bashiir ee ka talisa Dalkaasi aanay marnaba raalli ka hayn.
Sanadkii hore ee 2017kii ayaa waxa Dalka Sudan uu soo saaray 105 Tan oo dahab ah, sidaasi awgeedna dalka Sudan ayaa waxa uu u tartamayaa sidii uu u noqon lahaa Dalka Qaarada Afrika ugu badan dhinaca soo saarista dahabka.