Daadad Laxaad Leh Oo Ku Habsaday Gobolka California Ee Dalka Maraykanka Oo Geystay Khasaare Nololeed iyo Hanti Badan !

Date:

Gobolka California ee Dalka Maraykanka ayaa waxa ku habsaday Daad Laxaad leh oo sababay dhimashada 13 qof, iyo burburka iyo baaba’a Waddooyin iyo guryo.

Magaalada  Montesito ee Gobolkaasi ayaa ah Magaalada ay daadadkaasi ka soo gaadheen dhibaatooyinka ugu badan, Madaxda gobolkaasi ayaa waxay sheegeen in Meydadkii dadkii geeriyooday laga helay dhismayaal dumay hoostooda iyo sidoo kale goobaha ay biyuhu maraan.

Bill Brown oo ku hadlayay Afka ciidammada ka qayb qaatay gurmadka loo fidinayay Dadka ku nool gobolkaasi ayaa waxa uu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa in tirada dadka dhintay ay ilaa iyo haatan tahay 13 qof, waxa laga yaabaa in tirada dhimashadu ay kor u sii kacdo, aad ayaan uga xunahay arrintaasi”.

Ciidammada Dab-damiska ee gobolkaasi oo ka qayb qaatay gurmadka ayaa waxay sheegeen inay adeegsanayaan Ey Bilayska ah si ay u helaan Dadka dhintay ee aan ilaa iyo hadda lahaynin meydadkooda kuwaasi oo la filayo inay ku hoos jiraan dhismayaasha burburay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...