Deg Deg: Safarka U Horeeye Xage Ayu U Baxaye Madaxweyne Muuse Biixi

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi wasiiro ah oo uu hoggaaminaayo ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxaya dalka jamhuuriyadda Jabuuti.

Socdaalka madaxdeyne Muuse Biixi Cabdi iyo wafdiga uu horkacayo ayaa noqonaya safarkii ugu horreeyay ee uu ugu socdaal dibadda tan iyo markii la doortay 13-kii bishii diseember ee sanadkii 20117.

Wasiirka wasaaradda Arimaha Dibedda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire, oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha ayaa BBC-da u sheegay saaka in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, uu martiqaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, halkaasina uu ku joogi doono booqasho rasmi ah oo qaadaneysa laba maalmood oo maanta u bilaabaneysa.

Wasiirku wuxuu sheegay sidoo kale in labada dhinac ee walaalaha ahi ay ka wada hadlayaan sii xoojinta xidhiidhkooda dhinacayada ganacsiga , socdaalka , nabadgelyada , siyaasadda iyo dhaqanka ee horey uga dhexeeyay .

Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ay wafdigii ugu ballaadhnaa oo afar wasiir iyo xubno ka tirsan baarllamaankeeda u soo dirtay xafladii caleemo-saarka madaxweyne Muuse Biixi ee Somaliland oo lagu qabtay magaalada Hargaysa 13-kii bishii December 2017 .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...