Somalia: Saraakiil ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay maamulka Koonfur Galbeed

Date:

Wararaka ka imanaya degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa sheegaya in labo Sarkaal oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab isku dhiibeen maamulka Koonfur Galbeed ee degmada , kuwaasi oo lagu kala magacaabo Cusmaan Cabdi Xasan iyo Cali Uunsow Maxamed.

Raggan oo Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka amniyaadka ayaa waxa ay ku sugan yihiin xarunta degmada, waxaana gacanta ku haya Guddoomiyaha degmada Buurhakaba iyo saraakiisha ammaanka Koonfur Galbeed.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf (Gacma) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in raggan isa soo dhiibay ay dhib ku hayeen sida uu hadalka u dhigay  shacabka Koonfur Galbeed, balse hada ay ka soo laabteen go’aankooda hore.

Wuxuu sheegay maalmahan dambe in ay soo badanayaan ragga Shabaab ka soo goosanaya ee isku soo dhiibaya Koonfur Galbeed, isaga oo sidoo kale tilmaamay in ay gacmo furan ku soo dhaweyn doonaan, oo shacabkooda ay ka mid noqon doonaan.

Nuuradiin Yuusuf (Gacma) Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhalinyarada Shabaab ka tirsan ugu baaqay in ay isku soo dhiibaan Maamulka Koonfur Galbeed, si wanaagsan loola dhaqmi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...