94 Sano Kadib Ma Laga Yaabaa Inay Xaqiijiyaan Dhakhaatiirta Dalka Masar In Fanaanka Sayid Darwiish Sun Lagu Dilay !

Date:

Maxkamadda sare ee Dalka Masar ayaa waxa soo gaadhay dacwad aad u layaab badan oo ah in dib qabriga looga soo saaro Meydka Fanaankii Caanka ahaa ee Sayid Darwiish ee geeriyooday 94 sano ka hor si loo baadho in la dilay amase dilkiisii sun loo adeegsaday, sababta keentay arrinta cajiibka ah ayaa waxay tahay in dhimashadii fanaankaasi ay ka soo baxeen hadalo tiro badan oo is burinaya.

Haddaba, sida uu baahiyey Wargeyska Dunya Al-waddan ee ka soo baxa Dalka Masar oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay ayaa sheegaya in Sayid Darwiish uu geeriyooday 9kii bishii September ee sanadkii 1923kii, waxaana ka mid ah hadalada is burinaya ee dhimashadiisa laga weriyay inuu si curfiya u guursaday gabadh la odhan jiray Xayaat Sabri waxaanay Xayaat sabri sheegtay in dhimashada Sayid Darwiish ay ka dambeeyeen Qoyska Magacooda la yidhaahdo Jiritli isla markaana ay sharaab uu cabayay sun ugu dareen ah maadada Moraphin oo ay sababtay dhimashadiisa.

Balse gabadh uu dhalay Sayid Darwiish ayaa waxay sheegtay in aanay waxba ka jirin waxay Xayaat sabri sheegayso, laakiin se ay wax ka jiraan arrinta ah in gumeystihii Britain uu ka dambeeyay dilkiisa oo ay adeegsatay qaar ka ag dhawaa kana mid ahaa qaraabadiisii oo cuntadii uu cunayay sun ugu daray.

Waxaa haatan la sugayaa jawaabta ay maxkamadaasi ka soo saarto codsiga ah in Meydka Sayid Darwiisha laga soo saaro qabriga si loo baadho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...