Teleefanada gacanta ee ku shaqeeya Nidaamka loo yaqaano Android ayaa ah kuwa guud ahaan Dunida looga adeegsado Khubarada ka hawl gala shirkada Avast ee caanka ku ah Amniga Macluumaadka ayaa waxay sheegtay in Virus halis ah oo magaciisa la yidhaahdo Catelites uu suuqa soo galay.
Virus-kan ayaa waxa uu halis galinayaa Teleefanada gacanta ee ku shaqeeya adeega Android, sidoo kalena adeegan ayaa waxa uu ka mid yahay adeegyada ku jira Play Store ee laga dejisto adeegyada kala duwan.
Virus-kan ayaa waxa uu beegsanayaa Adeegyada la xidhiidha dhinaca maaliyadda ee kala duwan isla markaana waxa uu khalkhal galinayaa Adeegyada kale ee dhinaca lacagaha sida Visa card oo kale.