Maareeyihii Hore Ee Haamaha Shiidaalka Oo Ka Hadlay Cida Iska Leh Laabka Lagu Baadho Shiidaalka Xogta La Helayo Ayaana Sheegaysa In Xukuumada Cusubi Joojisay Lacag Lagu Qaadan Jiray Laabkaasi oo gaadhaysay 200,000$ . Laba boqol oo kun oo dollar.
Tan iyo Intii Uu Madaxwaynaha Cusub Ee Somaliland Biixi la wareegay talada dalka Waxaa Isa Soo Taraya Hadal haynta Ilahii Dhaqaale Ee Xukuumadii Hore Ku Wareejisay Shirkadaha Gaarka Loo Leeyahay. Dabagalkan Oo Uu Bilaabay Hanti Dhawraha Guud Ee Qaranka Somaliland Siciid Saleebaan Mire Ayaa Bulshada Reer Somaliland Aad Ugu Dhegtaageen Oo dareenkooda Soo Jiitay,
Hadaba Durba Waxaa Debada Usoo Baxaya Wax Badan Oo Mugdi Ku Jiray, Waxaana Ka Mida Laabka Lagu Baadho Shidaalka wadanka Soo Gala Ama Kasoo Dega Dekada Berbera , Kaasi Oo Warkiisu Aanu Cadayn Cida Iska Lahayd, Ma Dawladaa Lahayd Mise Shirkad Gar Loo Leeyahay,
Wararka Aanu Ka Helayno Illo Xog Ogaala Ayaana Sheegaya In Xiligan Xukuumada Cusibi Joojisay Lacagtii Lagu Qaadan Jiray Shaybaadhkaa Ilaalinta Tayada Shidaalka Oo Sida La Xaqiijinayo Bil walba Lagu Qaadan Jiray Lacag Ku Dhoow 200,000$,Wararka Ayaana Sheegaya In Laabkan Uu Iska Lahaa Safiir Baashe Cawil,
Maareeyihii Hore Ee Wakaalada Hamaha Shidaalka Berbera Sheekh Saleebaan Saciid Cali Oo Mar Aay warbaahinta Xorta Ahi wax Ka waydiisay Su Aalo Ku Taxaluqa Laabkan Shidaalka Lagu Baadho Xiligii Uu Maareeyaha Ahaa Ayaa Sehegay in cid gaar Ahi lahayd. Arrintan ayaa qayb ka Ah masuq maasuqii baaxada laha ee Dalka ka dhacay.