Somalia: Shirka guddoomiyayaasha Baarlamaannadda maamul gobolleedyada oo ka furmaya Baydhabo

Date:

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo shirka guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

Waxaa maalintii shalay gaaray magaalada Baydhabo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo ay ka mid ahaayeen qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay shirkan Baydhabo lagu qabanyo in lagu go’aamiyay midkii ka horeeyay ee Muqdisho lagu qabto, wuxuuna tilmaamay in laga hadli doono arrimo hormar ah u ah Baarlamaanada dalka ka jira.

Ajandaha shirkan wali lama shaacin, hase ahaatee ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay maanta oo Isniin ah, waxaana wadooyinka lagu soo daadiyay ciidmo hubeysan.

Waa shirkii ugu horeeyay oo magaaladaasi ku yeeshaan Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada maamul goboleedyada dalka ka jira.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...