Masuuliyiinta cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigalinta iyo Dhaqanka Somaliland, ayaa si rasmi ah xilkii ugala wareegay masuuliyiintii hore ee Wasaaraddaasi.
Xaflad loo sameeyay Xil-wareejintaasi ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, waxaana ka soo qayb-galay Masuuliyiintii hore iyo kuwa cusub, iyo Madaxda iyo Shaqaalaha wasaaradda, Abwaanno, Aqoonyahano, iyo marti sharaf kale.
Wasiirkii hore ee Warfaafinta Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa hadal uu ka soo jeediyey xafladdan waxa uu kaga warramay xaaladdii iyo waayihii shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta iyo dareenkii uu ka qaatay oo uu la ilmeeyay, gaar ahaan mid ka mid ah shaqaalaha waxaana uu yidhi “Maxaad qaadataa, maxaad ka shaqeysaa, waxa uu igu yidhi waligay mushahar iyo guno ma qaadan, Waxay igu keliftay in aanan anigu cidna qorin, haddii ay 116kuba walaalo yihiin, markaa dammiirkaygu wuu isiin waayey in aan cid kale keeno oo aan iyagana dhaafo, waxaanan ku faraxsanahay oo aan kaga tegayaa wasaaraddan inuu Faysal (Qofkii xaaladdiisa uga warramay ee uu wax ka qabtay) yahay shaqaale”.
Wasiirkii hore Caddaani, waxa kale oo uu tilmaamay waxyaalihii u qabsoomay, “Wasiirrada waxaan idiin sheegayaa in aad ka reysanaysaan Mishiinnadii iyo shidaalkii oo uu inoo shaqeynayo tamartii cadceeddu (Solar system), iyo in Tv-ga iyo idaacadda wixii aanu qalab u iibin karaynay aanu u iibinay, dhismahaasi cusubna uu furmi doono sanadka cusub oo ay lacagtii ugu jirto, Gaadiidkana 24gaadhi ayey wasaaraddu leedahay oo ma jirto dhib shaqaalaha ka haysataa, waxa kale oo aanu samaynay in aanu Radio Hargeysa ku kordhinay laba saacadood oo ah mid dalka wada gaadhaysa”.
Caddaani, waxa kale oo ka digay warbaahinta caalamiga ah iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay, waxaanu yidhi “Wasiirrada cusub, waxaan leeyahay waxaad ilaalinaysaan idaacadaha kale ee af Soomaaliga ku hadla ee BBC, VOA oo aan wararkooda xaq u sameyn oo dagaal badani galay, waxa kale oo aad eegtaan warbaahinta gaarka loo leeyahay inay noqdaan qaar u adeega dadkan iyo dalkan oo aanay noqon qaar dalkan ku mudduci ah”.
Intaasi kadibna, wasiirka cusub ee xilka kala wareegay waxa uu kula dardaarmay caddaalad “Wasaaraddani waxa kaliya oo ay u baahan tahay in shaqaalaha aad u xaq soortaan oo aad siisaan wixii miisaaniyadooda ku jira iyo wixii kale ee aad ugu soo heshaan Madaxtooyada”.
Dhinaca kalena, Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigalinta iyo Dhaqanka Md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo), ayaa isna u mahad-celiyay Masuuliyiintii hore iyo guud ahaan shaqaalaha Wasaaradda, isla markaana si qotto dheer uga warramay qorshihiisa hoggaamineed, iyo aragtida uu ka qabo wasaaraddan, waxaanu yidhi “Wasaaraddu iguma cusba oo barnaamijyo badan ayaan hore uga sameeyey oo dad badan oo ka mid ah ayaanu si fiican isku naqaanaa, kaalinta ay iga filayaana waan garanayaa, Caddaani (Wasiirkii hore) wuxuu sheegay ama aad u qirteen inuu kaalin wanaagsan ka qaatey ama wax badani iska beddaleen, ballan waxaan idiinku qaadayaa aniga iyo Wasiir ku xigeenkayguba in aanu halkaa idinka sii qaadno oo aanu idinka sii wanaajiyo mooyee in aanaan waxba idinka xumeyn”.
Wasiirka cusub waxa uu intaasi ku daray “Waa la iga bajiyey oo waxa la yidhi ballaayo ayaad u tegaysaan, laakiin anigu waan aqaanaa oo murtida Abwaanada marka aynu dhegaysano, maaha niman aan ka fileyo inay xun yihiin oo waa nimankii lagu hiranayey ee halganka inoo galay ee murtida iyo wax kasta inoo sheegayey markaa aniga taasi imey marin”.
Wasiir Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo, waxa kale oo uu soo bandhigay qorshihiisa ku aaddan tayeynta wax soo-saarka Wasaaradda Warfaafinta, iyo Afka Hooyo, “Waxaan sheegayaa in Tayeynta Qoreyaasha iyo Afka in aanu diyaar u nahay, waxaanan u mallaynayaa in mar dambe Tv-ga Qaranka iyo Idaacadda aan laga sii deyn doonin erayadan oo kale ‘TOBAN QOFOOD’, waayo warbaahintani waa halkii aqoonta dadweynaha ee bulshada wax laga barayey ee cid waliba ku xidhneyd ee ay dhegta u taageysay, markaa haddii aynu ka sheegno erayadan ‘Qofoyaal iyo Sixir-barar’, dadkii waxba maynaan barin ee waynu foondara habbaabinaynaa”.
Ugu dambayntii, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo waxa uu xusay dareenkiisa hoggaamineed, iyo farriinta uu u dirayo shaqaalaha wasaaradda, waxaanu yidhi “Reer nama soo dooran ee Madaxweyne ayaa na soo doortay oo Aqoon na bidey, in aanu aqoontii gudbino mooyee in aanu wax ka dhino ama xummaan idiinla nimaadno ha u fadhiyina, kala dambayn ayaa idinka iyo annagaba waajib innagu ah, markaa in qof waliba xilkiisa soo maro oo jarranjarta siday u kala koreyso loo soo maro oo loogu kala danbeeyo, Qof kaliya oo la dulmayo ma jiro, Qof kaliya oo xaqiisa la duudsiyayo ma jiro, oo ILAAHAY ayaa wax walba yaqaanee, aadmi ayaanu nahay khaldami karee waxaanu ku dedaalaynaa himiladayada oo ah Caddaalad, Midnimo iyo Wada shaqayn.”