Somaliland: Booliiska Oo Gacanta Ku Dhigay Gacan-ku-dhiigleyaal Dilay Nin Ganacsade Ahaa

Date:

Baadi-goob Shan maalmood qaatay ayaa lagu guulaystey in gacanta lagu dhigo Rag Gacan ku dhiigleyaal ah oo Badhtamaha Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ku dilay Nin Ganacsade ahaa.

Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sool Cabdirisaaq Maxamed Faarax oo ka warbixiyey baadi-goobkii ugu balaadhnaa ee ciidamadu sameeyaan ayaa sheegay in lagu guulaystey soo qabashada Raggaa Dilka geystay oo laba ahaa.

“Shantii iyo Badhkii ayaan ku guulaysaney in aan qabano Nimankan denbiilayaasha ah oo aanu shan maalmood dabataagnayn” ayuu yidhi, Taliyaha ciidanka Booliska, isagoo intaas raaciyey mahad celin u jeediyey dadkii ka caawiyey hawshan soo qabashada Gacan ku-dhiigleyaasha ah.

Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdi Khayre Dirrir oo la hadlay saxaafadda ayaa Madaxweynaha Somaliland ka codsaday inuu Go’aan ka soo saaro Dadka xukunnada Dilka ah u xidhan ee  ku jira xabsiyada Somaliland.

Sikastaba ha ahaatee, tallaabadan lagu soo qabtay Ragga dilka geystey ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Guud ahaan gobolka, waxaase la eegayaa in xukun dil ah lagu fuliyo denbiilayaashan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...