Somalia: Xeer Ilaalinta Soomaaliya oo maanta laga sugayo cadeymo la xiriira eedda loo heysto Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Date:

Maxkamada gobolka Banaadir oo maalintii shalay la horgeeyay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka dalbatay Xeer Ilaalinta Soomaaliya in muddo ku dhan 24 saac gudahood lagu horkeeno maxkamada cadeymo la xiriira eedaha loo heysto Siyaasiga.

Tahliil Xaaji Axmed oo ah Qarreenka u dooddaya Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in xariga siyaasiga aan marnaba loo mari sida uu hadalka u dhigay sifo sharci ah islamarkaana dowladda laga doonayo in ay ka jawaab celiso.

Arbacada maanta ah ayaa loo balansan yahay in mar kale dib loogu noqdo maxkamada oo dhinaca xeer ilaalinta ka sugeysa cadeymo la xiriira danbiyada loo heysto Siyaasiga.

Lama oga ilaa xad cadeymaha ay maanta hor geyn doonaan maxkamada Xeer Ilaalinta ama dacwad oogayaasha, hasse ahaatee laamaha Amniga dowladda ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho waxaa ay ku sheegeen in ay gacanta dhigeen Agab kala duwan oo filan dacwad ku soo oogidda Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wixii ka soo kordha Wararka ku saabsan maxkamadeynta Siyaasiga waan idin soo gudbin doonnaa..

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...